Dowlada yar ee qatar ayaa dalka soo gelisay 3.5 milyan oo dallar si ay u soo saarato musharaxeyda shariif maxamed cabdulaahi

Doorashooyinka somaliya


Shariif Maxamed cabbdullahi oo ah musharax u taagan xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegayaan warar lagu kalsoon yahay inuu xiriirka uu la leeyahay dowladda Qatar iyo kooxda ku fashilantay hogaaminta dalka oo ugu horeeyo madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday maxamed cabdullahi farmajo iyo wakiilka gaar ah ee Qatar Fahad Yaasiin Xaaji

Dowlada qatar ayaa malaayiin dollar ku bixineysaa sidii ay u soo saaran laheyd musharaxeyda shariif cabdulaahi taas oo muujinaysa jiritaanka dhaqaale ay Qatar ku bixinayso ololihiisa doorashada ee uu ku doonayo inuu ku qabsado jagada Guddoomiyaha Golaha Shacabka shacabka soomaliyeed ayaa  ku tilmaamay in aysan munaasab ahayn inuu la qabto xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka maadaama uu xiriir la leedahay dowladda Qatar oo khatar ku ah amniga Qarankeena

Musharax shariif cabdullahi ayaa lagu tiriyaa inuu ka mid yahay siyaasiyiinta Soomaalida ee ku xiran Qatar Shariif maxamed Cabdulaahi ayaa sodog u ah ninka lagu magacaabo Abuukar Sh. Bashiir oo ah ninka labaad oo ay Qadar ku kalsoontahay Fahad yaasiin kadib musharaxan ayaa u qalmin inuu jagada qabto madama uu xiriir la leeyahay qatar oo maalgelisa argigixisada alshabaab iyo kuwa aduunka waa in maamulka doorashooyinka ay ka ceshtaan shaahaadada musharaxnimo maadama uusan dalka waxba ku soo kordhin doonin

Fahad yaasiin ayaa ka soo qaaday dalka Qatar 3.5 milyan oo dollar si loogu dhiso shariif cabdullahi oo u arkaan in ay waxwalba ay ku qabsan karaan fahad oo ah wakiil u shaqeeya sirdoonka Qatar ayaa u dhaqmaayay afartii sano ee la soo dhaafay inuu yahay Boqor daaha gadaashiisa ka maamula siyaasadda dalka isagoo si toos ah u qaaday tilaabooyin siyaasadda arrimaha dibadda iyo gudahaba uga qaadanaayeen dowladda yar ee Qatar sababta ay Qatar ku dooratay inay taageerto kooxda ay hogaamiyaan farmaajo iyo fahad ayaa aheed xiriirka dhaw oo ay kooxdaan la laheed ururka alshabaab ee xariirka la leh Alqaacida oo halis ku ah xasiloonida aduunka

Musharax Shariif Maxamed Cabdulaahi ayaa ka shaqeyn doono haddii uu ku soo baxo xilka gudoomiyenimada sidii loo meel marin lahaa siyaasadda Qatar isla markaana ay gacanta loogu saari lahaa awoodda Soomaaliya Shariif Maxamed Cabdallaahi waa mid ka mid ah hubka Qatar ku leedahay Soomaaliya si uu u maamulo baarlamaanka si la mid ah sida Farmaajo ugu awood badan yahay madaxtooyada

Post a Comment

0 Comments