Labada musharax ee kala ah Sen/Cabdi xaashi iyo sheikh adan madoobe ayaa ah labada shaqsi ee ka samata bixin karaa dhibaatada uu ku jiro dalka

  

Doorashooyinka somaliya

Waxaa Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ka soo gebageboonayaan diiwaan-gelinta Musharixiinta u tartameysa xilalka guddoomiye ee Aqalka Sare, Golaha Shacabka iyo ku xigeennadooda sida uu jadwalka waxayna ku egtahay 21-ka April waxaana Shahaadada musharaxnimada la guddoon siiyey musharrax Sheekh Aadan Maxamed Nuur Sheekh Aadan Madoobe iyo Cabdullaahi Aadan Axmed Black

Aadan Madoobe ayaa mar soo noqday Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Madoobe ayaa ka mid ah Xildhibaannada ku matalaya Baarlamaanka 11-aad Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed dhinaca kale Guddiga Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa shahaadada musharaxnimo guddoonsiiyay Maxamed Cumar (Caananuug) oo ka mid ah musharaxiinta u taagan Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha 

Sheekh Aadam Madoobe waxa uu door muhiim ah ka qaatay joojinta damaca kooxda talada haysa ee ah in si sharci darro ah loogu kordhiyo Madaxweyne Farmaajo maadaama uu ka tirsanaa xisbigii mucaaradka ahaa ee himilo Qaran ee uu hoggaaminayay Madaxweynihii hore ee Sheekh Shariif Sheekh axmed Sheekh Aadan Madoobe ayaa noqday Xildhibaankii ugu horeeyay ee laga soo doorto Degaanada Koonfur Galbeed oo qaata shahaadada xubinimada kadib markii Xildhibaanada ka soo jeeda Koonfur Galbeed ay diideen qaadashada shahaadada xubinimada m

Marka laga soo tago xubinnimadii Golaha Shacabka ee uu ka tirsanaa muddo labaatan sano ka badan iyo inuu muddo kooban hayay Golaha Shacabka iyo gudoomiyaha barlamaanka dalka Sheekh Aadan Madoobe waxa uu dhowr wasaaradood ka soo qabtay dowladihii kala duwanaa ee dalka soo maray sida Wasaaradda Cadaalada iyo Ganacsiga dhinaca kale waxaana shahaadada qaatay gudoomiye hore ee aqalka sare cabdi xaashi cabdullahi 

Sen, Cabdi Xaashi waxa uu astaan ​​u yahay halgankii ay mucaaridku kaga soo horjeesteen isku daygii Farmaho ee uu ku doonayay in uu si sharci darro ah ugu kordhiyo madaxtinimadiisa si ay golaha guurtidu u noqoto qalcaddii ilaalinaysay sharcinimada dastuuriga ah ee dalka una diiday in la soo dhex galo rabitaanka xukuumadda Farmaajo ee ah in la dumiyo sharcinimada dastuuriga ah cabdi xaashi ayaa ka soo bilaabay halgankiisa macalin dugisyada sare

Kadibna wuxuu bilaabay inuu horumar ka sameeyo shaqada dowladda ilaa uu ka noqday maareeyaha Tiyaatarka Qaranka, 2004-tii wuxuu noqday kugudoomiyaha aqalka sare mudadii u dhaxeysay 2017-2022 wuxuuna hada u taagan yahay inuu shacabka soomaaliyeed ka samata bixiyo dhibaatooyinka ay ku jiraan kaas oo u geystay kelitaliska farmajo

Post a Comment

0 Comments