Kooxda farmajo oo quus ka taagan doorashooyinka lagu qabanayo deegaan doorashada labaad ee jubaland ceelwaaq

  

Doorashooyinka dalka

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gudiga Hirgalinta Doorashooyiinka Heer Fedraalka Muuse Geelle Yuusuf oo uu  wehlinayey Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Jubbaland ayaa Maanta gaaray Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo waxaa garoonka dayuuradaha Ceelwaaq ku soo dhoweeyey masuuliyiin uu ka mid ahaa wasiirka amniga Jubbaland Jen. Dhuumaal iyo saraakiil kale ceelwaaq ayaa maanta waxaa bilaabaneyso doorashada 8ka mid ah 16-ka kursi ee Gobolka Gedo kuwaasoo dhamaantood laga soo wareejiyey degmada Garbahaarey

Isla markii ay guddiga doorashadu soo gaareen magaalada Ceelwaaq waxa ay billaabeen diiwaan gelinta musharixiinta waxaana maanta la doortay 8 kursi oo uu ku hor kacayay kursigii Hop119 waxaana ku guuleystay wasiirka waxbarashada C/llaahi Carab oo kursiga ku fadhiyey xilliyadii hore oo ay saaxiib dhow yihiin Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble kursigaan ayaa ah kii ugu horreeyay ee lagu qabto deegaan doorashada labaad ee Jubbland kaddib markii uu u tanaasulay musharax Xildhibaan C/casiis Cabdullaahi Ibraahim

Sideed kursi ayaa maanta lagu doortay Ceelwaaq waxaana hartay sideed kale oo berri la qorsheeyey in la doorto sida aan xogta ku helnay waxaana xusid mudan in garabka Farmajo ay doorasho kale isla maanta ka bilaabeen magaaladii laga soo wareejiyey deegaan doorashada labaad ee Jubbaland Garbahaarey waana isku day quus ah oo uu wado Farmaajo kadib markii lagu guuleestay doorashadii ka dhacday degmada ceelwaaq oo uu ku guul dareystay in uu xakameeyo isaga oo maleeshiyaad geystay garbahaarey

Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday Farmaajo ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in doorashada ka socota magaalooyinka Ceelwaaq iyo garbahaarey ay tahay mid sharci darro ah isla markaana ay jabiyeen heshiiskii doorashada ee September 17, 2020 Farmajo waxa uusan ogeyn in heshiiska lagu sheegay war-murtiyeedka uu dhamaaday ka dib markii la ansixiyay baarlamaan cusub taasoo muujineysa in Farmajo uusan ahayn madaxweyne sharci ah aheyn waqtigiisiina uu dhamaaday wax awood ahna uusan lahayn balse waa musharax kaliya sida musharaxiinta kale

Mas’uuliyada doorashada waxa ay saaran tahay ra’iisul wasaare rooble iyo golaha wadatashiga qaran oo mid walbana uu ansixiyay doorashada Ceelwaaq farmaajo uusan xubin ka ahayn guddiga la-talinta xaqna uusan u lahayn inuu codsado kulan hadalka ka soo yeeray farmajo ayaa ah isku day quus ah oo uu wado Farmajo kadib markii lagu guuleestay doorashadii ka dhacday degmada ceelwaaq ayna ka soo gaartay guul-daro kooxda Farmajo inay saameyn ku yeeshaan doorashada ceelwaaq iyagoo isku dayay inay qabtaan doorasho barbar-dhac ah oo ka dhacda magaalada Jerbahari

Post a Comment

0 Comments