Farmaajo iyo fahad ayaa adeegsanayaan alshaabab si ay u laayaan ciidamadii badbaado qaran ee ka soo horjeestay muddo kororsigii fashilmay

Farmajo iyo alshabaab


Laba qof oo rayid ah ayaa ku dhinteen qarax miino oo saaka ka dhacay magaalada muqdisho sida ay ilo deegaanka ah ii xaqiijiyeen qaraxaan oo si weyn looga maqlay xaafadaha degmada Hodan uu ka dhacay wadada xiriirisa Trapunca iyo Isbitaalka masaarida bartilmaameedka qaraxa ayaa ahaa gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo marayay waddadaasi waxaana ka badbaaday hal askari balse al-shabaab ayaa toogasho ku dileen iyagoo meesha ka baxsadeen

waxaa soo baxaya in labada qof ee dhintay ay wadada marayeen ayna la kulmeen qaraxa ula jeedada qaraxan ayaa ah in argagax iyo amni darro lagu faafiyo wadooyinka magaalada muqdisho si shacabka loo argagax geliyaan warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax culus oo maanta ka dhacay magaalada muqdisho Farmaajo iyo fahad yaasiin waa kuwii horey u adeegsan jiray xarakadda al-shabaab oo ilaa hadda adeegsaneysa 

Waxayna mas’uul ka yihiin qaraxii ka dhacay magaalada muqdisho waxayna doonayaan inay dalka ka abuuraan qaskii ugu ballaarnaa ee lagula dagaalamo dowladda cusub waxaana lala eegtay askar meesha mareysay iyo dad shacab oo waxyeelo ka soo gaaray kuwa ku dhaawacmay waxaa lagula cararay isbitaal waxaana jira dhimasho kale 

Farmajo iy Fahad Yaasiin ayaa bilaabeen in ay ugaarsadaan ciidamadii badbaado qaran oo diiday muddo kororsigii sharci darada aheyd ee ay sameysten farmajo iyo fahad waxayna hada rabaan in ay u adeegsadaan alshabab si loo laayo dhamaantooda alshabaab oo maalgelinta ugu badan ay ka helaan farmajo iyo fahad waxayna ku taageeraan hub iyo malaayiin dollar waxayna rabaan in ay qas iyo fowdo ka geystaan si dowladda loogu furo dagaalo iyo amni darro

Alshabaab ayaa 70%kiiba gacanta ku haayaan waxayna rabaan in ay la wareegaan guud ahaan soomaaliya waqtigii farmaajo marna dagaal laguma qaadin kooxda al-shabaab dambiilaha baxsadka ah ee fahad yaasiin wuxuu ku guul dareystay inuu maareeyo faylalka ka dhanka ah dhaq-dhaqaaqa intii uu xukunka hayay

Shacabka soomaliyeed ayaa dalbanayaan in maxkamad la soo taago farmajo iyo fahad yaasiin si loogu qaado dembiyadii ay galeen shantii sano ee dalka xukumayeen si shacabka cadaalad uu helaan lana yareeyo dhibaatooyinka ka jira soomaaliya ee iyagu geysteen loogana adkaado kooxda argigixisada alshabab oo dalka burburisay ayna rabin in soomaaliya hore u socoto waa in hey'addaha ku shaqada leh ay gutaan waajibaadkooda ka saaran

Post a Comment

0 Comments