Wada shaqeynta shabaab iyo kooxda farmajo ayaa sii xoogeysaneysaa iyagoo weerar ismiidan ah ku dileen wasiirka cadaalada Kg iyo wiilkiisa

  

Farmajo iyo fahad yaasiin

 Wasiirkii cadaaladda maamulka koonfur galbeed Xasan Ibraahim Lugbuur iyo xubno ka mid ah qoyskiisa iyo dad kale oo shacab ah ayaa lagu dilay qarax ismiidaamin ah oo shalay ka dhacay magaalada baydhaba wasiirka ayaa lala eegtay qaraxa xilli uu kasoo baxay masjid uu kusoo dukaday salaaddii jimcaha ee shalay goobjoogayaal ayaa sheegay in qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa uu beegsaday wasiirka iyo dad kale

Waxaana qaraxa ku dhintay wasiirkii iyo wiil uu dhalay qaar ka mid ah ilaaladiisa iyo dad shacab ah waxaa sidoo kale jira dad kale oo qaraxa ku dhaawacmay oo gaaraya illaa 11 qof sida aan xogta ku helnay ayada oo dadka dhaawac ahna uu ku jiro wiil kale oo wasiirka uu dhalay taasi oo khasaaraha qoyska wasiirka ka dhigeysa sadex masuuliyada qaraxa ayaa sheegtay kooxda Al-Shabaab

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ciidamada dowladda soomaaliya iyo kuwa koonfur galbeed ay xalay ka sameeyeen duleedka magaalada baydhabo howlgalkaan oo ahaa mid bartilmaameed ahaa kaas oo lagu raad joogay dadkii ka dambeeyey qaraxii shalay ka dhacay magaalada baydhabo kaas oo lagu dilay wasiirka cadaalada koonfur gabeed iyo wiilkiisa iyagoo ka soo baxay salaada jimcaha waxaana loo dilay howlgal ay soo abaabuleen farmaajo iyo Fahad Yaasiin waxayna u adeegsadeen maleeshiyaad ka amar qaata labadaan nin iyagoo raba in lafta gareen ku garab siiyaan sidii uu xukunka awood ugu joogi lahaa

Fahad yaasiin ayaa darajo sare u magacaabay intii uu xilka nabad sugida haayay shakhsiyaad ka tirsanaa hoggaanka saree ee kooxda al-shabab taasoo shaaca ka qaadday in isaga naf ahaantiisa ka mid yahay kooxdan sidoo kalena xiriir uu la leeyahay Farmaajo oo isna ogolaaday in uu la shaqeysto xiriirna uu kala dhaxeeyo Kooxda argagixisadda ee al-shabaab silsiladda wada-shaqeynta shabaab iyo Farmajo waa mid uu salka u dhigay fahad yaasiin 

Saaxiibo ku dhaw-dhaw fahad ayaa waxa ay sheegeen in uu waddanka Yemen u aaday sidii uu usoo baran lahaa diinta islaamka qaar kalena waxay leeyihiin wuxuu aaday waddanka Pakistan waana labada waddan ee ay kasoo aas-aasmeen xudduna u ah ururka argagaxisada ah ee Al-qaacida shaki kuma jirin in labo shabab wada shaqeen jireen hadana ay u adeegsadan danahooda qaaska ah waa in dalka laga qabtaa

Farmaajo iyo fahad yaasiin ayaa ah gacanta aan la arki karin ee weli gumaadka ku haysa shacabka soomaaliyeed iyagoo adeegsanayaan als-shabab iyo maleeshiyaad ay soo tababarteen labadaan rag shacabka ayaana ugu baaqaya dowladda cusub in ay xabsiga soo dhigto si dalka loo badbaadiyo waayo inta labadaan dalka joogan ma hagaagayso somaliya waa in cadaalada la marsiiyaa 


Post a Comment

0 Comments