Farmaajo iyo fahad yaasiin oo taageerayaan alshabab ayaa falal argigixisanimo ka fuliyeen xadka aan la wadagno itoobiya

  

Farmajo iyo fahad yasiin

  Agaasimihii hore ee hey’adda sirdoonka iyo nabadsugida qaranka soomaaliya Fahad Yaasiin ayaa 23-kii July sii daayey farriin si fudud lagu fahmi karay dulucdeeda oo uu kaga hadlay weerarka al-shabaab ka fulisay qeybo kamid ah gobolka bakool iyo dhulka soomaali galbeed fahad yaasiin oo qeyb ka mid ah qoraalkiisa laga dheehday inuu dhulka soomaali galbeed u yaqaano dal daris oo ah Itoobiya xilli aysan Soomaaliya meelna ku aqbalin in dhulkaas Itoobiya yahay

Dhinaca kale waxaan warbixintaan kusoo koobeynaa seddex ujeedo oo farriintiisa laga fahmay la taliyihii hore ee amniga qaranka fahad yaasiin wuxuu dowladda cusub ee xasan sheekh ugu baaqay inaan la sahashan in al-shabaab u gudubtay dal daris ah intii uu fahad haystay NISA iyo intii uu la taliyaha u ahaa Farmaajaba al-shabaab waxay dhowr jeer u gudbeen waddanka kenya mana uusan sheegin inay taasi qatar weyn ku tahay darisnimada iyo xasilloonida gobolka

Inuu hadda muujiyo dareen noocaas ah waxay ka dhigan tahay ayaa la leeyahay qeexitaanka inuu fashil amni ku eedeenayo dowladda soomaaliya iyo inuu itoobiya u muujinayo in kooxda Xasan Sheekh aysan dan ka laheyn in dhankooda lasoo aado farmajo iyo fahad waxay alshabab ula shaqeenayaan sidii ay ku gaari lahaayeen xukunka dalka 

Farmaajo iyo fahad ayaana ah maalgelinta ugu badan ay ka helaan alshabab waxayna ku taageeraan hub iyo malaayiin dollar waxayna rabaan in ay qas iyo fowdo ka geystaan si dowladda loogu furo dagaalo iyo amni darro alshabaab ayaa 70%kiiba gacanta ku haayaan waxayna rabaan in alshabaab la wareegto guud ahaan somaliya waa in lala xisaabtamaa ragaan dhibaatada ay geysteen 

Si walbaba Fahad Yaasiin wuxuu soo jeediyey talooyin uusan bixin tallaabo ahaana u qaadin intii ay kooxdiisa xukunka haysatay iyadoo waqtigii farmaajo marna dagaal lagu qaadin kooxda al-shabaab dambiilaha baxsadka ah ee fahad yaasiin uusan wax talo ah bixin karin ka dib markii uu ku guul dareystay inuu maareeyo faylalka ka dhanka ah dhaq-dhaqaaqa intii uu xukunka hayay

    Post a Comment

    0 Comments