Guri Uu Kiraystay Ayuu Kiish Dheeman Ah Ka Helay Oo Si Dhibyar Uga Hodmay

Dheeman

 Guurista iyo geedigu maaha wax xiiso badan u leh qofka dantu ku khasabto inuu ka digo rogto degaankii hore ee uu ku noola gaar ahaana magaalooyinka waaweyn ka guurista xaafadii iyo gurigii aad muddada ku noolayd waa mid dhibaato badan oo aan dadka badankoodu jeclayn

Hasa yeeshee nin u dhashay dalka Australia ayaa guri cusub oo uu dhawaan u guuray, u noqday mid noloshiishiisa wax ka badalay farxad iyo hodantinimo aanu malaysana uu kala kulmay sida warbaahinta dunida inteeda badani ku warantay ninkan oo aan magaciisa warbaahintu xusin sababo la xidhiidha dheemantan uu helay awgeed ayaa 

Sida wararku xuseen dhawaan u guuray guri cusub oo uu kiraystay kaas oo markii uu bilaabay inuu nadiifiyo uu ka helay dheeman tiro badan oo guriga dhexdiisa taala farxadi waa naxdin ayay ku noqotay waxaanu sida laga wariyay ku adkaatay inuu rumaysto kiishkan uu helay ee dheemanta ah waxaanu muddo ku murmayay in waxa indhihiisu arkayaan ay run tahay iyo inuu riyoonayo

Hasa yeeshee markii ay u cadaatay inuu dheeman run ah oo saafi ah ka helay guriga ayuu deg deg ula xidhiidhay ciidamada ammaanka ee degaankaas ka hawl gala waxaana u tagay khabiiro ku xeel dheer kuwaas oo iyaga laftoodu xaqiiqsaday dheemantan ninkani ka helay guriga booliska ayaa sidoo kale cadeeyay in dheemantan tahay mid wakhti hore oo tobanaan sanadood laga joogo lagaga tagay gurigan

Taas oo sida loo malaynayo ay ka tageen dad ka ganacsada macdanta iyo dhagxaanta qaaliga ah oo loo malaynayo inay gurigaas deganaayeen kuna urursan jireen dheemanta iyo macdahana kala ee ay iibsadaan ka hor intaanay suuqa gelin sida sharciga dalka Australia dhigayo waxa ninkan dheemanta ka helay guriga uu kiraystay u taala inuu baafiyo alaabta uu helay

Si loo ogaado qofkii asal ahaan u lahaa haddii la waayana isaga loo sharciyeeyo waxa kale oo haddii qofkii lahaa sheegto u taala canshuur badan in laga qaado ninkan helayna abaal marin baadi xafid ah uu siiyo taas oo noqonaysa boqolkiiba shan iyo labaatan qiimaha guud ee macdantan uu dhaanta ah ee uu helay lacag u dhiganta

Ninkan ayaa si kasta oo ay xaaladu noqotaba qarka u saaran inuu si fudud u hodmo oo uu lacag tiro badan oo aanu u dhibtoon uu helo waana sababta ay booliska iyo warbaahintu uga gaabsadeen baahinta magaciisa waxaanu geediga uu guirga cusub u guuray u noqnayaa kii ugu fiicnaa

Post a Comment

0 Comments