Al-shabaab oo garab ka helayaan farmajo iyo fahad yaassiin ayaa weerar xoogan ku qaadeen xadka somaliya iyo itoobiya kala qeybiya

Farmajo iyo al-shabab


  Weerarada al-shabaab ay ku qaadeen xadka ay somaliya la wadaagto itoobiya ayaa ka dambeeyaan Farmaajo iyo Fahad Yaasiin oo garab siinaya dhaq-dhaqaaqa argagixisada wadashaqeynta ay la leeyihiin qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada Nisa ee taageera nidaamkii farmaajo iyo in la siiyo xogta sirta ah ee ciidamada qalabka sida ee ku sugan deegaanada ay maamulaan

Kooxda Al-Shabaab ayaa hadda maamusha 70% koonfurta iyo bartamaha soomaaliya oo ay isku ballaarisay sanadihii dhowaa ayada oo ay sacideen khilaafyada siyaasadeed ee mas’uuliyiinta soomaalida dhexdooda ahaa halka ay dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada xukumaan muqdisho iyo caasimad goboleedyada al-shabaab iyo dagaal-yahanadeeda oo lagu qiyaaso 5,000 illaa 7,000 ayaa maamula tuulooyinka yaryar iyo baadiyaha

Kooxda al-shabaab ayaa laba laabtay weerarada ay ka fuliso soomaaliya muddadii u dhaxeysay 2017 illaa 2021 inta badan xilligaas waxaa dalka maamulayey Farmaajo oo intii uu kooxda la dagaalami lahaa ka door-biday inuu xooggiisa isugu geeyo inuu ladagaalamo maamul goboleedyada dalka siyaasiyiinta mucaaradka iyo sidii uu xukunka ku dheereysan lahaa uuna dalka ka dhigi lahaa kelitalis ama xukun milatary uu ku qabsado

Kooxdan ayaa ku shaqaynayso amarkii Farmaajo iyo Fahad Yaasiin oo ahaa in ay ka aargoostaan ​​shacabka soomaaliyeed iyo dowladda cusub kadib markii ay waayeen awooddooda xukunkane lagala wareegay waxayna isku dayayaan in ay isku diraan somaliya iyo dalalka deriska ah waxayna weeraro ku qaadeen xadka somaliya ay la leedahay itoobiya waxayna alshabab iyo kooxdaan maafiyada ah ay isku dayayaan in dalka geliyaan dagaalo xoogan aysan ka soo kabsan karin

Al-shabaab ayaa isku dayayaan inay qalalaase ka abuuraan xuduudka Itoobiya ka dib markii ciidamada qalabka sida ay guulo ka gaareen howlgallada ay ka wadaan gobolkan tan iyo markii uu xukunka la wareegay madaxweyne Xasan Sheekh oo ku baaqay in alshabab laga adkaan doono ayna xoogooda isku geyn doonan sidii somaliya looga saari lahaa waxwalba ay ku qaadato halka ay farmajo iyo fahad ay ku dadaalayaan sidii dalka loo gelin lahaa fowdo 

Shacabka soomaaliyeed ayaa codsanayaan in kooxdaan xabsiga la soo dhigaa si dalka uu u hagaago waayo inta ay banaanka joogan somaliya cagaheyda kuma istaageyso dalkane wuxuu ku jiraa fowwdo iyo qalalaase siyaasadeed iyo in ay kooxda al-shabab ay xoog ku yeeshaan somaliya iyagoo garab ka helaayo majnuunka farmajo iyo fahad yaasiin oo aan rabin in somaliya ay hagaagto waa in xabsiga la soo dhigaaa 

Post a Comment

0 Comments