Farmajo iyo fahad yaasiin ayaa wada qorshe halis ku ah somali iayagoo ciidamada ku dhex abuuray maleeshiyo ka amar qaata

 

Farmajo iyo fahad

 Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ciidamada dowladda soomaaliya iyo kuwa galmudug ay xalay ka sameeyeen duleedka magaalada caabudwaaq oo ku taalla waqooyga gobolka galgaduud oo Farmaajo iyo fahad ay ku soo daadiyeen maleeshiyaad ay rabaan in ay ku fulshadaan dilalka qorsheysan iyo qaraxyada waxayna rabaan in ay meesha ka fuliyaan dagaalo iyo amni darro

Howlgalka oo ahaa mid bartilmaameed ah ayaa waxaa lagu soo qabtay askarigii ka dambeeyey dilka taliye ku xigeenkii nabad sugidda galmudug marxuum Faarax Cumar Geelle iyo walaashiis xaawo cumar geelle oo maalin kahor lagu toogtay magaaladaasi waxana dilkooda ka dembeyey oo qorshahaan soo abaabuleen farmajo iyo Fahad Yaasiin oo ogaadeen nin taliyaan uu ka haayo xog sir ah

Ciidamada dowladda iyo kuwa galmudug oo is-kaashanaya ayaa ugu dambeyn askarigaan kasoo qabtay deegaanka ceel-gargaar oo hoostaga caabudwaaq Farmaajo iyo fahad ay askariga u adeegsadeen inay u muuqato dhacdo ka dhex dhacday ciidamada qalabka sida taasoo la mid ah fal dambiyeedyo horay u dhacay farmajo ayaa ciidamada ku dhex beeray maleeshiyaad ka amar qaata si ay u fuliyaan waxay rabaan waxayna fuliyaan dilalka raga ka soo horjeeda 

Askarigaan oo sheegay in uu soo diray Fahad Yaasiin ayaa la yaaban dadka deegaanka degan Falka naxtinta leh ee ka dhacay caabudwaaq ayaa sababay hadal heyn xoogan iyo shaki laga qaado kooxda nabad iyo nolol waxaana hada soo ifbaxayaa dembiyadii ay galeen farmajo iyo fahad yaasiin waa in gacanta lagu soo dhigaa si loogu jaasiyo dembiyadii ay ka galeen shacabka iyo dilkii ugu dambeeyey ee ay ka geysteen caabudwaaq oo ay ku dileen taliye iyo walaashiisa

Caabudwaaq ayaa waxaa inta badan ka dhaca dilal qorsheysan kuwaas oo qaarkood ay geystaan maleeshiyaad ka amar qaataan farmaajo iyo fahad yaasiin oo ku sugan magaalada iyo nawaaxigeeda waxayna fuliyaan amarka labadaan rag waxaana loo adeegsadaa dilalka dadka ka aragtida duwan waxayna xalay u adeegsadeen taliyihii hore ee nabad sugida galmudug iyo walaashiisa dilkaan ayaa magaalada ka noqday mid laga argagaxo hay'addaha ku shaqada leh waa in ay fuliyaan waajibaadkooda ka saaran si labadaan qof xabsiga loo soo dhigi lahaa waayo waa dembiilayaal waaweyn oo dalka iyo dadka ay ka galeen dembiyo

Post a Comment

0 Comments