Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ayaa sabab u ah in Al-shabaab ay la wareegto gacan ku heynta dalka

 

Farmajo iyo fahad yaasiin

  Kooxda Al-Shabaab ayaa hadda maamusha 70% koonfurta iyo bartamaha soomaaliya oo ay isku ballaarisay sanadihii dhowaa ayada oo ay sacideen khilaafyada siyaasadeed ee mas’uuliyiinta soomaalida dhexdooda ahaa halka ay dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada xukumaan Muqdisho iyo caasimad goboleedyada al-shabaab iyo dagaal-yahanadeeda oo lagu qiyaaso 5,000 illaa 7,000 ayaa maamula tuulooyinka yaryar iyo baadiyaha

Kooxda al-shabaab ayaa laba laabtay weerarada ay ka fuliso soomaaliya muddadii u dhaxeysay 2017 illaa 2021 inta badan xilligaas waxaa dalka maamulayey Farmaajo oo intii uu kooxda la dagaalami lahaa ka door-biday inuu xooggiisa isugu geeyo inuu ladagaalamo maamul goboleedyada dalka siyaasiyiinta mucaaradka iyo sidii uu xukunka ku dheereysan lahaa uuna dalka ka dhigi lahaa kelitalis ama xukun milatary uu ku qabsado

Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ayaa sabab u ah in al-shabaab ay la wareegaan gacan ku heynta dalka soomaaliya waxayna u adeegsadeen alshabab oo ay weli u adeegsanayaan inay ku gaaraan danahooda gaarka ah iyo in ay shacabka ku cabsi geliyaan qaraxyo iyo dilal qorsheysan haddii aan laga hortagin dhibaatada ay abaabulayaaan kooxdaan maafiyada ah

Ciidamada soomaaliya ayaa ah kuwa weli aan sameyn horumar inkasta oo sanado badan ay tababar siinayaan mareykanka iyo dalal kale kooxda mar kasta tallaabo ayey ka horeysaa howlgallada militari marka taas lagu daro isku dhex yaaca cadowgeeda waxay ka dhigan tahay inay ku milmeen bulshada soomaaliyeed taas waxay adkeyneysaa in laga adkaad

Shantii sano la soo dhaafay ee uu xukumayey Farmaajo ayaan lala dagaalmin kooxdaan iyadoo ay ku xoogeysatay dalka iyadoo ay canshuur ka qaadaan dekada xamar, airportka iyo ganacsatada waaweyn iyo kuwa yar waxayna sanadkii canshuur ahaan u soo xareysaa malaayiin dollar aan dowladda soo xareynin waana awooda kowaad ee somaliya hadaan laga adkaan kooxdaan dal iyo dad aan u naxeynin

Hay'addaha ku shaqada leh arrimaha amniga waa in ay la xisaabtamaan kooxdaan oona la weydiiya waxay alshabab ula dagaalami waayeen shantii sano ay xukunka joogeen maadaama ay la wareegeen deegaano fara badan oo aan heysan inta uusan xukunka qaban farmajo adaxweynaha Xasan Sheekh oo la doortay laba bil kahor ayaa ballan-qaaday inuu kooxdan ka adkaan doono isaga oo sheegay inuu dagaal saddex jiho ah la geli doono al-shabaab




Post a Comment

0 Comments