Farmaajo iyo fahad yaasiin oo adeegsanayaan alshabab ayaa qarax ismiidaamin ah ka fuliyeen magaalada jowhar ee maamulka hirshabelle

 

Farmajo iyo fahad yaasiin

 Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax culus oo maanta ka dhacay gudaha magaalada jowhar ee caasimada dowlad goboleedka HirShabelle kaas oo jugtiisa si xoogan looga maqlay magaalada qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhashay gaari nooca xamuulka qaada oo lagu soo raray walxaha qarxa wuxuuna ka dhacay hoteelka nuur doob oo ku yaalla agagaarka madaxtooyada waxaana deganaa wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan maamulka

Dadka dhaawaca ah waxaa ka mid ah wasiirka haweenka hirshabelle Caasho khaliif, wasiirka caafimaadka hirshabelle cabdi macalin, guddoomiye ku xigeenkii hore ee baarlamaanka maamulka hirshabelle marwo canab axmed ciise iyo xildhibaan hore jeego kuwaas oo la geeyey isbitaalka guud ee magaalada jowhar ee gobolka shabeelaha dhexe farmaajo iyo fahad yaasiin ay u adeegsanayaan xiriirka ay la leeyihiin al-shabaab inay abuuraan fowdo ugu badan oo ay kula dagaalamaan dowladda cusub kadib markii looga adkaaday doorashada

Farmaajo iyo fahad yaasiin waa kuwii horey u adeegsan jiray xarakadda al-shabaab oo ilaa hadda adeegsaneysa waxayna mas’uul ka yihiin qaraxii ka dhacay magaalada jawhar waxayna doonayaan inay dalka ka abuuraan qaskii ugu ballaarnaa ee lagula dagaalamo dowlad cusub hoteelka la weeraray ayaa gebi ahaan burburay iyada oo laga soo saaray dad dhaawacyo ah waxaana sidoo kale burbur uu soo gaaray guryo ay daganaayeen dad shacab ah

Dhinaca kale ra’iisul wasaaraha soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa ka hadlay qaraxaasi wuxuuna u tacsiyeeyey shacabka ku dhaqan magaalada jowhar gaar ahaan dadka dhibaatada ka soo gaartay qaraxa is-miidaaminta ee maanta ka dhacay magaaladaasi ra’iisul wasaare xamze ayaa u ballan-qaaday in uu garab taagan yahay maamulka iyo shacabka gacana ay ku siin doonaan sidii wax loogu qaban lahaa dadka dhaawacyada ah

Shacabka soomaliyeed ayaa dalbanayaan in maxkamad la soo taago farmajo iyo fahad yaasiin si loogu qaado dembiyadii ay galeen shantii sano ee dalka xukumayeen si shacabka cadaalad uu helaan lana yareeyo dhibaatooyinka ka jira soomaaliya ee iyagu geysteen loogana adkaado kooxda argigixisada alshabab oo dalka burburisay ayna rabin in soomaaliya hore u socoto waa in hey'addaha ku shaqada leh ay gutaan waajibaadkooda ka saaran

Post a Comment

0 Comments