Fanaan abshir gaarane oo shaaciyey in farmaajo iyo fahad yaasiin ay ka dambeyeen in godka jilacow lagu dhibaateyo

Farmajo iyo fahad yaasiin


  Fanaanka Abshir Gaarane Axmed oo sanad iyo 3-bilood u xirnaa hey’adda nabad sugidda soomaaliya ee nisa isla markaana sheegay in jir-dil culus loo geystay ilaa uu ka qirto al-shabaab uusan weligiis ku biirin ayaa hadda shaaciyey ninka marsiiyey dhibaatadaas fanaanka oo sheegay in dhibkaas loo geystay uu ahaa inuu ahaa mucaarad sidaas darteedna ay u adkeysan waayeen Farmaajo iyo fahad yaasiin 

Abshir Gaarane oo wareysigii ugu dheeraa siiyey weriye Maxamed Cali Maxamed oo ka mid ah suxufiyiinta ka howlgala muqdisho ayaa sheegay in masuuliyadda xabsigii jir-dilkii uu soo maray iyo sumcad dilkii loo geystay uu ka dambeeyey cabdullahi kullane oo hadda ah xildhibaan ka tirsan golaha shacabka xiliga la xiray gaarane wuxu ahaa xubin sare oo ka tirsanaa NISA

Wuxuu sheegay in maalintii la xiray ilaa hadda loo sheego in qofka soo xirtay ee dhibkaas marsiiyey uu ahaa Kulane Jiis halka Ibraahim Macalin oo xiligaas ahaa taliyaha godka Jilicow uu ahaa fuliyaha qorshihii fanaankaan lagu geliyey dabinka sanadkii 2020-kii ayaa twitterka nisa lagu baahiyey muuqaalka abshir gaarane oo qiranayo inuu 13 sano ka tirsanaa kooxda al-shabab 

Balse wareysigaan ayuu ku soo bandhigay dhibaatadii loo geystay ee ku kaliftay inuu sheegto shabaab uusan aheyn kooxda farmajo oo adeegsanaya awoodooda ay ku leeyihiin dowladda ayey u adeegsan jireen shacab si ay ugu caburiyan iyagoo sameystay xabsi qarsoon si aysan u helin xuquuqdooda fanaanka ayaa seddax bilood ku xirnaa godka jilicow halka xabsi ku yaalla madaxtooyada uu ku xirnaa mudo sanad ah

Madaxweynihii hore farmajo oo fanaankaan ay isku heyb ahaayeen ayuu sheegay in kiiskiisa uu ka war qabay bilow ilaa dhamaad isla markaana ay ehelkiisu ay la kulmeen ugu yaraan labo jeer balse uu dowladiisii ka waayey wax cadaalad ah wuxuuna dhamaan masuuliyiinta dowladaan uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan sheekh iyo taliyaha nisa mahad salaad, duqa muqdisho iyo baarlamaanka dalka ayuu fanaankaan ka codsaday inay cadaalad u raadiyaan

Al-Fanaan abshir gaarane wuxuu intaas ku sii daray in shaqadii uu ka heystay gobolka banaadir loo diiday inuu dib ugu laabto bulshada uu kala kulmo takoor xun ilaa hadda uusan shaqo helin sababta loogu diidayana ay tahay sumcad dilkii ay ku sameysay dowladii farmaajo gaar ahaan xubnihii u joogay hoggaanka hey’adda nisa

Post a Comment

0 Comments