Maxaa ka dambeeya askartii Farmajo iyo fahad yaasiin si qarsoodi ah ugu direen dalka eritarea oo la kulmay madaxweyne xasan sheekh

 

Xasan Sheekh

 Farmaajo iyo fahad iyo saraakiisha nisa ayaa ka been sheegeen sadexdii sano ee la soo dhaafay ee ku saabsan joogitaanka askarta eritrea Farmaajo ayaa sii dafiray joogitaanka askartan wuxuuna ku  adkeysanayey in aan ciidan loo dirin eritarea sababtoo ah wuxuu ogyahay in ciidamadii loo diray eritarea lagu laayey inta badan gobolka tigreyga ee dalka itoobiya wuxuuna ka baqayaa in su'aalo badan laga weydiiyo sababta ku kaliftay in si tuugonimo ah loo diray loona dagaal geliyey

Sawirrada uu madaxweyne Xasan Sheekh la soo galay askarta ku sugan eritrea ayaa xaqiijinaysaa beenta farmaajo iyo fahad yaasiin sheegayeen saddexdii sano ee la soo dhaafay oo ilaa hada aysan runta ka sheegin fahad iyo yaasiin farey ayaa sii wateen beenta ilaa wareysigii ugu dambeeyay ee uu mid kastaa qabtay ee ku saabsan joogitaanka askarta eritrea.

Soomaaliya waxay ka baxsatay kalitalis halis ah oo lala damacsanaa in lagu qabsado shacabkane lagu cabsi geliyo madaxweynihii hore ee farmaajo iyo Fahad Yaasiin oo ciidamaadan u diray eritarea ayaa hadane ogolaaday in ay ka qeyb galaan dagaalka ka socday gobolka tigreyga ee dalka itoobiya iyagoo garab ka helaya ciidamada eritrea

Farmaajo ayaa eritrea u diray in ka badan 10,000 oo askari ee ma ahayn 5,000 sida uu sheegay iyadoo ay ogyihiin taliyaha ciidanka odowaa yuusuf iyo fahad yaasiin askartaan ayaa ka qayb galeen dagaalkii tigrayga ee dhinaca ciidamada itoobiya askarta soomaalida ayaa xasuuq iyo gabood fallo ka dhan ah bani’aadantinimada kala kulmay shacabka itoobiya iyadoo uu wax ka og yahay madaxweyne farmaajo sida lagu sheegay warbixinno dhowr ah oo caalami ah oo uu shaqsi ahaantiisa horay u beeniyay 

Booqashadii madaxweynaha soomaaliya xasan sheekh uu ku tagay dalka eriteriya ayaa shaaca ka qaaday halka ay ku danbeeyeen ilaa 5,000 oo askari oo Soomaali ah oo ka soo hartay 10,000 ee loo qaaday eritariya ka dib dagaalo ka dhacay itoobiya waxaanalagu qaaday si qarsoodi ah xasan sheekh waxa uu ballan qaaday in si deg deg ah ciidamadaas loogu soo celin doono dalka si ay ula midowaan waalidiintooda dalkoodana u difaacaan inta dhimatayna aas qaran loo sameeyo 

Waaa in lagula xisaabtamaa farmaajo, fahad yaasiin iyo saraakiisha nisa nolosha askarta soomaalida iyo sidoo kale mas’uuliyadda dambiyada ay ciidamada ka geysteen gobolka tigray waa in la horkeeno maxkamad si loogu qaado dambiyadii ay ka galeen dalka iyo shacabka isla markaana lagu soo oogo eedeymo ah inay shacabka ka been sheegeen iyo ku takri fal awoodeed

Post a Comment

0 Comments