Farmaajo iyo Fahad Yaasiin oo ka been sheegay askartii lagu qafaashay dalka Eritrea ka dibna lagu laayey gobolka tigreyga ee dalka itoobiya

 

Farmajo iyo fahad yaasiin

 Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ayaa ka been sheegayeen labadii sano ee la soo dhaafay ee ku saabsan joogitaanka askarta eritrea fahad yaasiin ayaa sii dafirayaa joogitaanka askartan xitaa mar uu wareysi bixinaayey todobaadkii hore ee la soo dhaafay wuxuuna ku  adkeysanayey in aan ciidan loo dirin eritarea sababtoo ah wuxuu ogyahay in ciidamadii loo diray eritarea lagu laayey inta badan gobolka tigreyga ee dalka itoobiya

Farmaajo ayaa qiray in ciidamadii ugu badnaa ee soomaaliyeed tababar loogu qaaday dalka eritrea taliye odawaa yuusuf raage oo horay ugu jawaabayay eedeeyn uu madaxweyne xasan sheekh u jeediyay farmaajo kahor inta aan la dooran ee uu mucaaradka ahaa oo ku aadaneyd ciidanka la geeyey eritrea ayaa beeniyay islamarkaana sheegay inaysan jirin ciidan soomaaliyeed oo dalka eritrea ku maqan

Farmaajo ayaa eritrea u diray in ka badan 10,000 oo askari ee ma ahayn 5,000 sida uu sheegay iyadoo ay ogyihiin taliyaha ciidanka odowaa yuusuf iyo Fahad Yaasiin askartaan ayaa ka qayb galeen dagaalkii tigrayga ee dhinaca ciidamada itoobiya askarta soomaalida ayaa xasuuq iyo gabood fallo ka dhan ah bani’aadantinimada kala kulmay shacabka itoobiya iyadoo uu wax ka og yahay madaxweyne farmaajo sida lagu sheegay warbixinno dhowr ah oo caalami ah oo uu shaqsi ahaantiisa horay u beeniyay 

Ciidamo fara badan ayaa ku dhintay in ka badan kala bar askartaasi maadaama in ka badan 5,000 oo askari looga dilay dagaalada farmajo wuxuu awoodi waayay in uu shacabka somaliyeed kala hor tago khasaarahaas oo uu ku lug lahaa dagaalladii dhacay sidaas darteed ayaa farmaajo u dooneyn inuu madaxweynaha cusub ku wareejiyo dhibka ka dhashay dilka askartan tirada badan ee soomaalida ah 

Waaa in lagula xisaabtamaa farmaajo, fahad yaasiin iyo odowaa yuusuf nolosha askarta soomaalida iyo sidoo kale mas’uuliyadda dambiyada ay ciidamada ka geysteen gobolka tigray waa in la horkeeno maxkamad si loogu qaado dambiyadii ay ka galeen dalka iyo shacabka isla markaana lagu soo oogo eedeymo ah inay shacabka ka been sheegeen iyo ku takri fal awoodeed

Post a Comment

0 Comments