Kooxda farmajo oo bilaabeen in weerar afka ah lagu qaado xasan sheekh lana burburiyo dowladad cusub

  

Farmajo iyo xasan sheekh

Agaasimihii hore ee machadka cilmi baarista siyaasadda ee Heritage Cabdirashiid Khaliif Xaashi ayaa markii u horeysay si weyn ugu dhaliilay taageerayaasha madaxweynihii hore inay dagaal ku bilaaban dowladda cusub ee madaxweyne xasan waxa uu sheegay in taageerayaasha maxamed cabdullaahi farmaajo aysan u hogaansamin baaqiisi taasi badalkeedna ay doorteen inay qaadan dacaayado iyo weeraro ka dhan ah dowladda cusub

Markii isbaddal doonku ay dalka la wareegeen madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynihii hore ee maxamed cabdullaahi farmaajo waxay jeexeen waddo odaynimo oo ah horay halloo socdo ra’iisul wasaaruhuna waddadii ayuu raacay sida booqashadiiss laga arkayo tallaabooyinkaasina waa kuwo dowladnimada u fiican ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka

Dhanka kale madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa ku socda weerar iyo been abuur oo ay wadaan kooxo NN ah oo taageera madaxweynihii hore ee farmaajo waxay ahayd in ay baaqa hoggaamiyahooda ay maqlaan ee dowladdaan 2-da bilood aan gaarin ay qunjuraafka ka daayaan sidoo kale waxa uu intaas kusii daray kooxahaas baal marsan baaqa madaxweynayaasha ee doonaya inay curdanka ku naafeeyaan dowladnimada loo soo halgamey waa in la xasuusiyo in hoggaanka laga fara-maroojiyey rag awood iyo xoolo haystey 

Waxay ahayd inay kala dhuuntaan waayo iyaga fashilay guri muraayad ahna ku jira kuwa wada dagaalka beenta ku salaysan si kastaba arrintan ayaa imaneysa ayada oo markii doorashada lagaga guuleystay farmaajo iyo intii ka dambeysay uu dhowr jeer ku baaqay in lala shaqeeyo dowladda cusub islamarkaana fursad la siiyo taasi oo ka hor-imaneysa tallaabada ay qaadeen taageerayaashiisa

Post a Comment

0 Comments