Xasan sheekh ayaa ka shaqeenayo sidii loo dhameystiri lahaa dastuurka dalka halka farmajo uu ka shaqeen waayey 5tii sano la soo dhaafay

 

Xasan Sheekh Iyo Farmajo

Xildhibaanada golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka soomaaliya ayaa shalay kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay gudaha magaalada muqdisho waxaana shir guddoomiyey mudane guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi kulankan ayey senataradu isaga soo dhex-xuleen shanta xubnood ee ku metali doono guddiga dib u eegista iyo la socodka hirgalinta dastuurka ee labada aqal ee soomaaliya

Guddoomiyaha golaha guurtida Cabdi Xaashi ayaa sheegay in 43 mudane ay u codeeyeen in la ansixiyo guddiga halka hal mudane uu diiday xubnahan ayaa waxaa kusoo biiri doono xildhibaanno kale oo laga soo xuli doono golaha shacabka waxayna si wadajir ah uga shaqeyn doonaan dhammeystirka dastuurka dalka

Farmaajo wuxu ku guuldareystay inuu meel mariyo dastuurka dalka 5-tii sano ee uu xilka hayay wuxuuna ka shaqeynayey in aan la dhameystirin dastuurka iyo in aan la dhisin maxkamadda sare ee dastuuriga ah si uusan u helin cid ka hortimaada kalitalisnimadiisa wuxuuna faragelin xoogan ku haayey hay'addihii dastuuriga iyo kuwa garsoorka oo aan u madax banaaneyn shaqadooda 

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaadayo tallaabooyin dhab ah oo uu ku doonayo in lagu meel mariyo dastuur dalka si loo ilaaliyo dimuqraadiyada curdanka ah  si loo demiyo cadaawadii ka dhexeesay maamul goboledyada iyo dowlada dhexe oo shantii sano la soo dhaafay lala dagaalamayay iyo xorriyadda shacabka soomaaliyeed

Waa bishii ugu horreysay ee xukunka madaxweyne xasan sheekh wuxuuna dalka ka hirgeliyey guddi ka hortaga musuq-maasuqa dalkeena ragaadiyey oo shantii sano hantida shacabka la iska daldalnaayey iyo guddi dhameystira dastuurka dalka talaabadaas oo farmaajo uusan qaadin muddo 5 sano ah soomaaliya ayaa noqon doontaa farmajo dowlad xoog badan oo ay u dhisan yihiin dhamaan hay’addaheyda dalka iyo nidaam garsoor oo damaanad qaadaya xorriyadda shacabka soomaaliyeed

Post a Comment

0 Comments