Wareysigii uu bixiyey fahad yaasiin ayaa waxa uu ka dhuuntay dhowr su'aalod oo ay shacabka isweydiinayaan sababta loo weydiin waayey

Fahad yaasiin


Agaasimihii hore ee nisa Fahad Yaasiin wuxuu dusha saartay dhacdooyin badan oo loo haysto nidaamkii madaxweyne farmaajo intii uu socday wareysi uu dhawaan bixiyey dhacdooyinkii uu fahad mas’uuliyadooda qaatay waxaa qaar laga sugayey inay ka jawaabaan farmaajo ama madaxdii kale ee dowladaas laakiin fahad oo awooday inuu jawaabaha qaar xawilo ayaa doortay inuu isaga ka jawaabo

Shantii sano ee madaxweyne Farmaajo dalka waxaa ka dhacay arrimo waaweyn kuwa badan oo muhiim ah oo ay dadku sugayeen inuu fahad ka hadlo ama la waydiiyo ayaan soo gelin wareysiga uma badna in la iloobay waxayse u muuqdaan dhacdooyin uusan rabin fahad yaasiin inuu ka hadlo sheekadaan waxaan kusoo koobeynaa dhacdooyin oo qaarkood ay dalka iyo dowladnimadaba gilgileen oo uu fahad ka dhuuntay una baahan in mar kale la waydiiyo

Wareysigii Fahad Yaasiin waxa ku jiray been abuur badan oo ku saabsan mowduucyo uu doonayay oo kaliya inuu sheego mana jiraan eedeymo badan oo fahad yaasiin iyo farmaajo aysan ka hadlin sababtoo ah ma heli doono waddo ay uga baxsadaan mas’uuliyadda dhacdooyinkaas waxayna ka baxsanayaan cadaalad waxayna qarinayaan dembiyadii ay galeen shantii sano ee la soo dhaafay 

Sida dembigii ugu weyn ee nidaamkii madaxweyne farmaajo loo haysto waa in muwaadin soomaali ah loo dhiibay dowladda itoobiya falkan lagula kacay cabdikariin shiikh muuse qalbidhagax ayaa gilgilay nidaamka dowladeed ee soomaaliya waa kiis uusan qofna ka boodi karin marka uu rabo inuu ka waramo maamulkii madaxweyne farmaajo fahad kama hadlin arrinta qalbidhagax

Guddoomiyihii hore ee gobolka banaadir eng. cabdiraxmaan yariisow iyo qaar kamid ah maamulkii degmooyinka gobolka banaadir ayaa lagu dilay xarunta dowladda hoose ee magaalada muqdsiho weerarkii lagu qaaday guriga siyaasiga cabdiraxmaan cabdishakuur warsame oo si weyn uga aragti duwanaa dowladaas farmajo laba jeer ayaa la weeraray madaxweynaha maanta talada haya xasan sheekh intii uu jiray nidaamkii farmajo waxay aheyd gaf xasaanadeed mid sharci iyo halis la geliyey dowladnimada somaliya

Dowladdii madaxweyne farmajo waxa lagu tilmaamaa dowladdii lacagtii ugu badneyd ku bixisay burburinta maamul goboleedyada farmaajo iyo saaxiibadii waxaa la sheegaa inay nidaamka federaalka ah diidan yihiin doorashooyinkii ugu liitay ayaa maamul goboleedyada laga qabtay intii uu jiray nidaamkii madaxweyne farmajo waxaana la soo xiray muqtaar roobow oo u tartamayay kursiga madaxweynaha koonfur galbeed oo ilaa hada sharci darro u xiran yahay 

    Silacaas loo geystay masiirkii dadka gobolada ku dhaqan iyo hantida lagu burburiyey midna kama uusan hadlin fahad yaasiin wuxuna ahaa madaxii ololaha madaxweyne farmajo wuxuu sheegtaa inuu yahay macalin sixi kara qiyaasta doorashooyinka walow dadka qaar ay taas si weyn u duraan haddana Fahad ma sheegin waxa sababay guul-daradii qaraareyd ee kooxdooda kasoo gaartay doorashadii madaxweynaha dhacdooyinkaan waaweyn ma ahan inuusan fahad xasuusan ama aan la weydiin karin balse waxaa lagu sifeeyey dhacdooyin uu ka baxsanayo ka hadalkooda

    Post a Comment

    0 Comments