Farmaajo iyo Fahad Yaasiin oo ku howlan sidii ay dagaalka uga hurin lahaayeen gobolka gedo

  

Farmajo iyo Fahad yaasiin

Diyaarad rakaab ah oo ka kacday garoonka adan cadde ee magaalada muqdisho ayaa shalay loo diiday iney ka degto laba garoon diyaaradeed oo ku yaalla gobolka gedo sida ay ogaaday waxa arrintaan ka dambeeyey ciidamo Farmaajo ka amar qaata oo weli mooda inuu farmajo madaxweyna yahay xogtan ayaa waxaa inoo xaqiijiyey xubno ka tirsan hay’adda duulista rayidka soomaaliya oo codsaday inaan la magacaabin iyo mas’uuliyiin ku sugan gobolka gedo

Diyaaradda oo siday 30 qof oo rakaab ah ayaa ku guuldarreysatay inay ka degto garoomada doolow iyo luuq ee gobolka gedo oo labadaba ay isku dayday ayada oo sababta lagu sheegay arrimo xiriir la leh siyaasad Farmajo ayaa weli carqalad ku ah hanaanka dowladnimada somaliya asigoo rabin in hore loo sii socdo ilo-wareedyo ayaa sheegaya in sababta diyaaradda looga hor-istaagay inay degto ay aheyd inuu saarnaa xildhibaan mucaarad ku ahaa dowladii uu hogaaminayay farmajo ee lagu magacaabo maxamed cabdullaahi gardhuub oo ka mid ah siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolka gedo

Waxaa kaloo taasi dheer tahay in ciidamada Farmaajo ka amar qaata ay ku howlan yihiin sidii ay dagaal uga abuuri lahaayeen xadka somaliya la wadaagto kenya si ay dowladda cusub u khalkhal geliyaan farmajo wuxuu ka shaqeynayaa sidii ay dagaal uga hurin lahaayeen magaalada asigoo adeegsano ciidamo calooshood u shaqeystayaal ah si ay labada dowladood ay isku dagaalaan ka dibna xiriirka loogu jaro kenya waana kaarkii ugu dambeeyey ee uu isticmaalayo farmajo maadaama waxba u harin

Madaxweyne xasan sheekh waa inuu go'aan ka gaara ciidaman jooga gobolka gedo ee aan wax faa'ido ah aysan soo kordhinooyin sidii loogu celin lahaa xeradooda oo markii horeba loogu soo qaaday dano siyaasaded in lagu gaaro waa in ciidamada isku shaandheen lagu sameeyaa si ay ula dagalamaan argigixisada alshabab si dalka uu u noqdo meel amni ah oo lagu dalxiisi karo

Shacabka somaliyeed waxay ka codsanayaan dowlada cusub in ay cadaalada horkeento kooxda maafiyada ah e uu hogaaminayo farmajo si loo marsiiyo ciqaabta ay mudan yihiin waayo shacab badan oo masaakiin ah ayey qalad badan ay ka galeen waxayna ka laayeen ubadkooda iyo familkooda waa in lagu xukumaa dil toogasho laguna toogta shacabka hortooda si madaxda kale ay ugu quustaan in aysan dalkan dembi aysan ka gelin

Post a Comment

0 Comments