Fahad yaasiin oo ka baxsanayo cadaalada aya dusha u saaray kiiska ikraan tahliil agaasimaha cusub ee nisa mahad salaad

 

Fahad yaasiin iyo mahad salaad

Shir jaraa’id oo ay muqdisho ku qabteen xildhibaano si gaar ah u metelaya Ikraan Tahliil oo muddo sanad ah la weysan yahay ayaa si kulul uga hadlay sheegashada fahad yaasiin taliyihii hore ee nisa ayaa dilka ikraan ku eedeeyay rw ooble, Agaasimaha nisa mahad salaad iyo al-cadaala oo in muddo ah uu khilaaf soo kala dhex galay 

Agaasimaha nisa Mahad Salaad ayaa sanadkii hore ku eedeyey inuu fahad yaasiin ahaa al-shabaabkii dilay ikraan tahliil fahad yaasiin ayaa wareysi uu bixiyay ku sheegay in ikraan uu garanayey uuna sheegay in ay aheyd shaqo raadis ayna ka shaqeyneyn xarunta nis iyo warar kale oo is khilaafaya wuxuna u ekaa nin aan isku dheeli tiri karin warka afkiisa ka soo baxaya haddaanu hadlin ma yeeli lahaa? Iyo erayo kale oo dareen bulsho ku abuuray bulshada dhexdeeda

Wareysigii Fahad Yaasiin ayaa ah mid lagu doonayo in lagu kicinayo shacabka somaliyeed kadib jabkii farmajo ka soo gaaray doorashadii madaxweynaha iyo waayitaankii uu waayey xubinimadii fahad Yaasiin baarlamaanka oo uu xoog ku soo qaatay kursiga beeshiisa wuxuuna isku dayayaa inuu burburiyo isku dayga madaxweyne xasan sheekh maxamuud uu ku doonayo inuu isbedel ku sameeyo dimuqraadi 

Ka dib shantii sano ee Farmajo iyo fahad dalka ay geliyeen dagaalo iyo musuq-maasuqa shacabka soomaaliyeedna ay ku noolaayeen dulmiga ragaan oo adeegsanayeen shaatiga dowladda fahad yaasiin waa dambiile ka baxsanaya cadaaladda oo isku dayaya inuu ka weeciyo dambiyada uu galay indhaha dadka si uu ugu badbaado maxkamada iyo cadaalada loo raadinaayo ikraan tahliil

Wadahadalka Fahad Yaasiin iyo Yaasiin Fareey ayaa ujeedadiisu tahay in lagu jahawareeriyo kiiska ikraan tahliil wax laga qabtayna ma jirto sidaas darteed gabadha iyo inta kale ee 5-tii sano ee lasoo dhaafay lagu xadgudbay waa in ay helaan cadaalad ugu dambeyn shacabka soomaaliyeed ayaa ugu baaqay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu guddi dhex-dhexaad ah u saaro kiiska Ikraan baaritaanno lagu sameeyo kooxihii ka dambeeyay lana horkeeno sharciga

Post a Comment

0 Comments