Fahad Yaasiin oo weerar ku qaaday dowladda Cusub Ee Soomaaliya

 

Fahad Yaasiin

Fahad Yaasiin wuxu sii wadaa weerarada uu ku hayo dowladda cusub ee soomaaliya si uu uga badbaado dambiyadii uu galay intii uu talada hayay Farmajo waxaa soo baxday in fahad yaasiin farmajo iyo taageerayaashooda ay isku dayayaan inay wiiqaan shaqada madaxweynaha la doortay ee xasan sheekh maxamuud

Fahad Yaasiin wuxu isku dayayaa inuu u baxsado qatar asigoo hada ku sugan dalka turkiga uuna rabo inuu u wareego qatar si uu dhaqaalo badan ka helo si uu soomaaliya loo geliyo dagaalo sokeeyo wuxuuna rabaa inuu afarta sano ee soo socda uu dalka la geliyo dagaalo sokeeye asigoo adeegsanayo dowladda qatar oo rabta in somaliya la burburiyo 

Fahad Yaasiin ayaa si bareer ah u aflagaadeeyay taliyaha cusub ee nabadsugida mahad salaad wuxuuna la barbar dhigay argagixisada al-shabaab isagoo isku dayayo inuu kala qeybiyo oo uu khilaaf iyo kacdoon ka dhex abuuro hay’adda dadka siyaasadda u dhuun daloola ayaa sheegay in waraysiga Fahad bixiyey uu ahaa mid siyaasadaysan oo uu damcay in uu indhaha bulshada ka weeciyo dambiyada uu galay iyo taariikhda madow ee uu ku daba jiray tan iyo intii uu hay’adda sirdoonka joogay

Dadka wax indha indheeya ayaa yiri maxaa isku soo beegay wareysiga Fahad Yaasiin uu bixiyey iyo kan yaasiin farey ma ahan mid iska timid balse waa mid ku timid qorshe Farmajo iyo kooxdiisa ay hormuudka ka yihiin oo u muuqday iney meesha ka saarayaan dembiyadii ay galeen shantii sano ee la soo dhaafay iyo dilalkii qorsheysneyd ee ay geysatay nisa sida dilkii ikraan tahliil oo ka tirsaneyd sirdoonka oo aheyd madaxii waaxda amniga internetka ee hay’adda 

Shacabka soomaaliyeed ayaa waxay dalbanayaan in fahad yaasiin lagu soo celiyo dalka laguna maxkamadeeyo dembiyadii uu galay isaga iyo madaxweynihii hore ee farmaajo shantii sano la soo dhaafay dalka waxaa uu ku jiray dagaalo iyo fowdo una dheereyd masuq-maasuq waa in maxkamada ciidamada qalabka sida 

Post a Comment

0 Comments