Fahad yaasiin oo weerar afka ah ku qaaday dowladda cusub iyo taliyaha cusub ee nisa mahad salaad

 

Fahad yaasiin

Wareysiga taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin oo u warramay wariye farah geylan ayaa goos-gooskiisa waxaa iiga baxay in taliyuhu uu sugi waayay inta maamulka cusub ee madaxweyne xasan sheikh uu hay’adaha dowladda si dhameystiran ula wareego lana arko jihada dalka uu u kaxeeyo ugu yaraanna sida caadada dowladnimada ah uu u sugo xitaa 100 maalin ee koowaad ee dowlad kasta xilligaas kadib keed la qiimeeyo

Taliyihii hore wuxuu baaq farriin ah u dirsaday ururkiisii hore ee al-ictisaam si uu oga helo meel uu ku dhuunto iyo cid u dhuunto maadaama loo heysto danbiya waaaweyn iyo tacadiyo uu qaranka ka galay xasaanadii barlamaaniga aheyd ee uu ku talo galay maadaama ay meesha ka baxday sida muuqata wuxuu baxsad ka yahay cadaalad ay dhibanayaashiisii maanta ay ka dalbanayaan hay’adaha dowladda

Sidoo kale waxaa yaab leh isaga oo iska dhigaya nin weeraraya taliyaha cusub ee Mahad Salaad inuu si toos ah farriin ugu diro hay’adaha dowladaha kale ee la shaqeeya hay’adeenna nabad sugida ee uu leeyahay yaanan wax wada shaqeyn ah lala yeelan taliyaha cusub ama aanan xog lala wadaagin kollayba waa inta karaankiisa ah ama dowladii uu la shaqeyn jiray oo hay’addeenna u dhex deganaa xilligii uu taliyaha ka ahaa

Waxaa xusid mudan in shantii sano ee la soo dhaafay iney aheyd hay’adda NISA markii ugu badneyd ee ay ku dhex milanto dowlad ajnabi ah cumalada dowladaasna ay iyada oo la wada ogyahay ay dhex daganeed xarunta hay’adda ee habar khadiija wuxuu kaloo weerar ku qaaday taliyaha shaqada laga eryey ku qaaday madaxweyne axmed Madoobe

Ma ahan mid cusub ee waa siyaasadii fashilantay ee reer Jubbaland lagu cunaqabateeyay sanadihii la soo dhaafay maamulkii Fahad diiqa ka ahaana uu kala garan waayay cadaawadda kala dhaxeysa Axmed Madoobe ha u ciqaabin shacabka soomaaliyeed ee ku nool deegaanada Jubbaland

Post a Comment

0 Comments