Odeyaasha dhaqanka iyo shacabka ayaa ka digay fowdada ay wadaan kooxda farmajo in ay ka joojiyaan dalka

  

Farmaajo iyo kooxdiisa

Muxudiin Darbaweyne oo ka mid ah odayaasha dhaqanka ee magaalada Muqdisho ayaa dadka ku nool gobolka Banaadir ugu baaqay inay dhigaan banaan-bax ay uga soo hor jeedaan ololaha magaalada ka socda ee guriga loogu dhisayo madaxweynihii hore maxamed cabdullahi Farmaajo muxudiin ayaa carabka ku adkeeyey in farmajo iyo kooxdiisa ay wadaan fowdo ka dhan ah dowladda cusub isla markaana aysan u dul-qaada doonin in farmajo oo indha sarcaadiyo dadka reer Muqdisho

Isimada ku dhaqan magaalada muqdisho oo si cad u sheegay in ay si cad u diidan yihiin wax ay ku tilmaameen dhaqanka iyo daandaansiga Farmaajo iyo kooxdiisa ay ku kacayeen musuq-maasuq iyo bililiqo intii ay talada hayeen hadana ay isku dayayaan in ay fashiliyaan dowladda cusub balse aan loo dulqaadan doonin farmaajo oo indhaha ka qariya shacabka muqdisho

Taageerayaasha Farmaajo ayaa sii wada olole dhaqaale loogu uruurinayey oo ay ugu magac dareen “mahadsanid madaxweyne” waxayna hoosta ka xariiqeen in muqdisho laga dhisayo guri aad u qurux badan oo u qalma madaxweynihii hore iyagoo abaal-gud u ah wax ay ku tilmaameen go’aan wanaagsan farmajo ayaa si shaqsi ah u ansixiyay ololahan taasoo dadka u ololeeya ay xaqiijiyeen inuu yahay olole cusub oo lagu bililiqeystay lacagaha dadkamasaakiinta ah laguna qarinayo musuq-maasuqii hore

Waxa ay carabka ku adkeeyeen in waxa dhacaya ay yihiin isku dayo lagu doonayo in lagu madmadow geliyo xaqiiqooyinka iyo xaqiiqda musuq-maasuqa ee dhacay 5-tii sano ee uu xilka hayay farmaajo taasoo ay ka dhaceen falal musuq-maasuq oo waaweyn sida ay shaaciyeen warbixino rasmi ah oo caalami ah iyo kuwa gudaha gaar ahaan dhaqaalaha qatar oo lagu isticmaalay ku xad-gudbi dastuurka soomaaliya

Sida uu hadalka u dhigay stephen squartz safiirka maraykanka ee soomaaliya oo bishii April ee la soo dhaafay qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka ku yiri fahad yaasiin iyo dowladda qatar oo dhaqaale ku bixiya waxay u beddeleen sirdoonka qaranka somaliyeed mid ka mid ah agabka aasaasiga ah ee madaxweyne farmaajo ku xad-gudbay dastuurka soomaaliya iyo burburinta nidaamka dimuqraadiga ah ee dalka ka jira ee salka ku haya xil wareejinta nabadeed

Taasoo keentay inay xumaato xaaladda xuquuqul insaanka ee dalka hoos u dhac ku yimid haybadda dowladnimo dhimista cadaadiska al-shabaab ee xiriirka la leh al-qaacida iyo sii kordhinta go’doonka dowladda gobolledyada ka jira dalka shacabka ayaa ugu baaqay farmajo in shantii sano ee la sugaayey oo kale uu sugo xasan sheekh hadii aad Farmajo baaqeena maqli weyso waa la iska kaa qabanaa war waa inaad deg deg dalka uga baxdaan dadkiina fowdada wadow laba dowladood ma wada joogi karaan Muqdisho hadaa ka dhiga adeygtaan baaqeena


Post a Comment

0 Comments