Dowladda qatar oo rabta in ay xiriir la yeelato dowladda cusub iyo diidmo lagala hortagay

Qatar iyo Somaliya


Dowlada qatar ayaa malaayiin dollar ku bixineysay sidii ay u soo saaran laheyd musharaxeyda taas oo muujinaysa jiritaanka dhaqaale ay qatar ku bixisay ololihiisa doorashada ee uu ku doonayey inuu ku qabsado jagada madaxweynaha shacabka ayaa  ku tilmaamay in aysan munaasab ahayn iney qabtaan maadaama uu xiriir la leedahay dowladda qatar oo khatar ku ah amniga qarankeena

Fahad yaasiin ayaa ka soo qaaday dalka qatar 3.5 milyan oo dollar si loogu dhiso Farmajo ama xasan kheyre oo ay u arkaan in ay waxwalba ay ku qabsan karaan fahad oo ah wakiil u shaqeeya sirdoonka qatar ayaa u dhaqmaayay shantii sano ee la soo dhaafay inuu yahay boqor daaha gadaashiisa ka maamula siyaasadda dalka isagoo si toos ah u qaaday tilaabooyin siyaasadda arrimaha dibadda iyo gudahaba uga qaadanaayeen dowladda yar ee qatar

Sababta ay qatar ku dooratay inay taageerto kooxda ay hogaamiyaan farmaajo iyo fahad ayaa aheed xiriirka dhaw oo ay kooxdaan la laheed ururka alshabaab ee xariirka la leh Alqaacida oo halis ku ah xasiloonida aduunka kooxda farmajo waxay dalka ka galeen dembiyo fara badan iyagoo damacsanaa iney doorashada boobaan ayaa xildhibaanada ka diideen in dalkaan burbur kale la geliyo waxayna qaateen go'aan ah in dalkaan laga badbaadiyo

Hadda waxay qatar ku dadaalaysaa sidii ay xiriir dhow la yeelan laheyd dowladda cusub ee uu hogaaminaayo xasan sheekh waxayna rabtaa in ay u burburiso siddii shantii sano ay u burburineysay dalka dagaalna u gelisay shacabka somaliyeed ayaa codsanayaan in laga saaro qatar iyo xulusadeeda sida dalkaan uu u galo amni iyo xasilooni

Inta dalkaan qatar joogto ma hagaagayo waayo waxay taageerta argigixisada alshabab iyo maafiyada aduunka dad badan oo falanqeeya siyaasadda ayaa sheegaya in qatar ay soomaaliya ka dhigi rabto sida dalka afghanistan oo ciidamo shisheye iyo faragalin siyaasadeed ku waari doono qatar ayaa lagu eedeeyaa iney falal amniga liid ku ah ka wado dalalka bariga dhaxe iyadoo la sheegay ineey taageerto argagixisada haddii aan somaliya laga qabana ay geli doonto dagaalo sokeeye iyo in dalka la wareegaan argigixisadda alshabab






Post a Comment

0 Comments