Kooxdaan maafiyada ah ee farmajo, fahad yaasiin iyo xasan kheyre ayaa rabaan in ay dhacan shacabka masaakiinta ah waa in laga qabtaa

 

Maafiyada dalka

Soomaaliya waxaa ka jirta abaaro baahsan oo galaaftay dad iyo duunyo la rabay in wax loo qabto ayaa ka hor istaagsan kooxda farmajo iyo kuwo kale oo is qarinayaan oo ay ka mid yihiin Farmajo, fahad yaasiin iyo xasan cali kheyre oo is kaashanayaan ayaa rabaan in shacabka lagu marin habaabiyo in ay lacago ay ku shubaan akoono aan jirin si ay lacaga ay heystaan u gelin lahaayeen bankiga

Si loogu dhigo in ay soo dhiibeen shacabka soomaaliyeed aanan laga shakin farmajo waxa gurigiisa taalo malaayiin dollar oo cash ah haddii uu bankiga dhigana wuxuu ka baqayaa in su'aalo laga weydiiyo lana ogaado inuu shantii sano uu xukunka haayey uu dhacaayey shacabka masaakiinta ayna ka tagaan inta yar uu taageero heysto farmajo ayaa heysta taagero yar oo aan waxba u qaban karin

Kooxda farmajo ayaa bilaabay iney lacago u diraan qaar ka mid ah taageerayaasha ayna ku amreen inay ka dhigaan in ay farmajo ugu deeqeen ayna rasiidka ku daabacaan baraha bulshada ay ku wada xiriirto si ay caalamka umaleeyaan in shacabka ay jaceyl yihiin farmajo ayna guri u dhisayaan taageerayaasha farmajo ayaa suuqa soo geliyeen boro bogaando iyo wax aan la rabin si ay shacabka u dhibaateeyaan waa in laga qabtaa dalka

Shacabka somaliyeed ayaa waxay ugu baaqeen mas'uuliyiinta ay khusayso inay ka hortagaan ololaha lacag-dhaqida ah ee uu wado farmajo ayna furaan baaritaan ku saabsan lacagihii laga dhacay khasnada dowlada 5tii sano ee la soo dhaafay oo ay u dheer tahay dambiyada kale ee uu galay kooxdaan maafiyada ah ayaa dalka geliyeen burbur iyo dagaal sokeeye hadane ay rabaan in amni darro ay ka abuuraan dalka waa in laga qabtaa

Hadal heynta ah in guri loo dhisaayo farmajo ayna shacabka lacagta iska soo aruurinayaan ayaa aheyn shacabka ay tahay taageerayaasha saddexdaan ayaa sameysanayaan akoono fara badan lacagahaan ayaa ka imaanayaan farmajo, fahad yaasiin iyo xasan khayre waana mashruuc lagu doonayo in lagu xalaaleysto malaayiin dollar ee la soo dhacay lacagtaan la aruurinaayo ay tahay mid lagu qiyaameynayo dadka la siiyo deeqaha faraha badan si ay akoono u sameystaan ay ugu soo celiyaan dadkii lahaa si lacagtaan ay u noqoto mid sharci ah

Post a Comment

0 Comments