Kooxda farmajo oo bilaabeen in shacabka ku marin hababiyaan akoono fake ah si lacago fara badan oo farmajo soo dhacay loo sharciyeeyo

Kooxda farmajo


Farmaajo wuxuu shalay mashruuciisii qaaraan qaran ku dhacay shacab masaakiin ah wax xisaab celin ahna kama sameyn sanadkii hore wuxuu lacagta madow ee qatar ku burburiyey dawladnimadii curdunka ahayd ee soomaaliya muddadii uu xilka hayey halmar xisaab celin ma sameyn dawladiisa oo sanad kasta musuqyo waaweyn ayuu dhex joogay

Wuxuu dagaalo siyaasadeed ku galay dakhligii gobolka banaadir wuxuu lacag badan ka sameeyey canshuur xad dhaafka ah ee dekada muqdisho ay kooxdiisu ka sameyn jirtay farmaajo iyo saaxiibadiis waxay mashruucii qaadka itoobiya ka sameeyeen malaayiin dollar intaas kuma filnaan oo maanta ayuu rabaa in uu markale dhaco shacabkii uu shalay siyaabaha kala duwan u soo dhacay wuxuu mashruucaan cusub ka leeyahay labo qorsho

Dad badan ayaa aad ula yaabay ololahaan uu farmajo ku dalbaday in guri loogu dhiso waxayna dadka ka falceliyey arrintaan ay qabaan in aysan jirin baahi farmajo ku kalifi karta inuu qaaraan weydiisto dadkaan gaajada ugu dhimanaya abaarta dalka ka jirta isagoo bil kasta qaadanaya $33 kun waxaa shaki badan la gelinayaa sida ay lacagtaasi ku geli karto gacan aamin ah maadaama akoonada iyo lambarada lasoo bandhigay ay badankood leeyihiin shakhsiyaad gaar ah

Dad badan oo ka falceliyey uruurinta qaaraankaan waxay qabaan farmaajo oo aan hadda wajaheyn duruufo dhaqaale ololaha guriga loogu dhisayo ma u wareejin doonaa gurmadka dadka ay abaaruhu saameeyeen? laakiin wuxuu mashruucaan cusub ka leeyahay labo qorsho oo in laga fiirsado ay tahay waayo farmajo waa bilyaneer oo aan waxba ka rabin in lacag loo aruuriyo laakiin qorsho kale ayaa meesha ku jirta waxayna kala yihiin

1- Waa in uu daboolo wixii hanti soomaaliyeed ee uu soo dhacay 2- waa in uu hanti cusub ka sii dhaco ummaddaan dhibaatooyinka iyo abaaruhu haystaan haddaba waxaa la gudboon hay’adaha ay quseyso gaar ahaan hay’adda hanti-dhawrka guud iyo hay’adda dabagalka lacagaha in ay baaris ku sameeyeen lacagtii hore ee uu farmaajo lunsaday iyo lacagta cusub ee uu rabo in uu dadka ka dhaco

Post a Comment

0 Comments