Kooxda farmaajo ayaa bilaabeen mashruuc lagu xalaaleysanayo malaayiin dollar ee laga soo dhacay qasnada dowlada

 

Kooxda farmajo

Waxaa waajib muqadas ah in laga digo marin habaabinta nabar iyo naxdin Farmaajo hadalkii uu soo faray ayey CBB melaha warejinayaan waxa lagu jira marxalad dadka ay gaajo iyo oon u dhimanayaan halka kuwo manaxayaal ahna ay dadka jeebabkoda ku baaranayaan guri ayan dhiseyna maanta oo kale ma ahan in laga hadlo dhisme guri iyo wax lamid ah balse nafo ayaa u baahan badbaadin wana in si wadajir ah aan ugu gurmano dadkeena somaliyeed ee dhibateysan

Shacabka soomaaliyeed maanta waxa u cadaatay teamka farmaajo in aysan shacabka u diir nexeyn ninka guriga loo dhisaayo mayahay nin u baahan marka laga reebo in la rabo 5ti sano ee laso dhaafay hantidii umada ee la lunsaday in looga saan tirto dadka soomaaliyeed weli ma gaarin heer caqliyadooda lagu ciyaaro waxa lagu jiraa xili shacabka Somaliyeed ay gaajo u dhamanayaan madaxda qaranka iyo shacabka somaliyeedna ay ku mashquulsan yihiin gurmadka dadkeena ay sameysay abaarta ayaa

Dhagar-qabe farmaajo iyo gangska la shaqeesta waxa ay muqdisho ka bilabeen barnaamij forex cusub oo ay ku shegeen in guri loogu dhisaayo edeysane farmaajo oo dambiyo waaweyn ka galay shacabka muqdisho waxaan fareynaa laamaha amaanka somalia iyo bangiga dhexe waxaan kula talinaya in ay xiraan akoonada kooxdaan maafiyada ah ay ka furteen bangiyada muqdisho si loo bad-baadiyo hantida shacabka muqdisho ee la doonayo in lagu dhaco qaab forex ah

Akoonadan waxaa looga dan leeyahay in loo adeegsado in lagu been xalaaleeyo hantidii qaranka ee la xaday hanaan lagu sharciyeynayo hanti aan sharci aheyn sharci-ilaaliyayaasha gaar ahaan dalalka ajnabiga ah ee ay degan yihiin deeeq-bixiyeyaasha dadka bixinaya lacagta guri dhiska waa inay baaraan akoonadan inkasta oo aan la ogeyn heerka ay gaarsiisan tahay lacagta uu shaqsiyan haysto farmaajo 

Haddana waxaa la qiyaasayaa inay malaayiin dollar dhan tahay ayada oo laga qiyaas qaadanayo ololihii doorashada farmaajo wuxuu ahaa musharaxii bixiyey lacagtii ugu badneyd doorashada ayada oo xildhibaankiiba uu siiyey 100 kun oo dollar inkasta oo aan la aqoon tirada xildhibaanada uu lacagta u qeybiyey waxa uu sidoo kale hadda kiro ku degan yahay guri bishii kiradiisa ay tahay 25 kun oo dollar oo 

Sanadkii keeneysa 300,000 oo dollar taasi waxa ay dhalineysaa su’aal ku saabsan lacagta farmaajo u helay inuu xildhibaano ku iibsado gurina ku ku kireysto balse aanu u haysan inuu guri ku dhisto jawaabta ayaa noqon karta in ujeedku yahay indhaha dadka laga leexiyo masuq-maasuqii shantii sano ee dalka ay ka wadeen farmajo iyo kooxdiisa waxayna rabaan in ay xalaaleystaan lacagta ay soo dhaceen si ay ay banki ugu shubtaan 



Post a Comment

0 Comments