Mahad salaad oo amar dul-dhigay ciidan iyo gaadiid ilaalo u ah fahad faasiin in ay dib ugu soo laabtaan xaruntooda

 

Mahad salaad iyo fahad yaasiin

Sida ay ilo wareedyo ka tirsan hey’adda NISA ayaa inoo xaqiijiyeen taliyaha cusub ee hey’adda nisa Mahad Salaad ayaa amar ku bixiyey inay soo xaroodaan askarta iyo gaadiidka ilaalada ka ah guriga taliyihii hore ee nisa fahad yaasiin

Illaa 30 askari oo ka tirsan ciidanka nisa iyo labo gaari oo kuwa dagaalka ah ayaa la siiyey amarkaan kuwaas oo ilaalo ahaan u jooga guriga agaasimihii hore ee nisa fahad yaasiin waxaana maanta aad baraha bulshada loogu faafiyey war sheegayey in la weeraray hoyga agaasimihii hore ee nisa fahad yaasiin balse waxaan xaqiijinay in uusan dhicin wax weerar ah

Ciidamadaan oo wata laba gaari ayaa lagu amray inay ku soo laabtaan shaqadoodii hore maadaama ay ka mid yihiin ilaalada taliyaha nisa oo hadda loo magacaabay mahad salaad fahad yaasiin ayaa hada dalka ka maqan wuxuuna bartamihii bishii hore u safray dalka turkiga maalin kadib markii la doortay madaxweyne xasan sheekh asigoo ka baqaya in maxkamad la soo taago

Fahad yaasiin oo mar ahaa jiheeyaha siyaasadda soomaaliya ayaa hadda dibad joog ka ah siyaasadda kadib markii uu ku guul dareystay inuu soo saaro saaxiibkiisa madaxweyne farmaajo oo mudo uu kala shaqeynaayey dib u doorashadiisa hada labadooduba waa maxkamad sugayaal oo waxaana loo heystaa dembiyo fara badan oo ay dalkaan ka galeen

Post a Comment

0 Comments