Madaxweyne lafta gareen ayaa isku dayayaa inuu sameysto muddo kordhin wuxuna la kulmay mucaaradid xoogan oo lagu diidan yahay

 

Madaxweyne lafta gareen

  Madaxweynaha koonfur galbeed cabdicasiis lafta-gareen oo bishii december 2018 uu xukunka Farmaajo ku keenay awood ciidan oo dhiig uu ku daatay ayaa muddo xileedkiisu ku egyahay bisha december 2022 wuxuuna ku haminayaa inuu sameysto muddo kordhin oo aan ognahay in aysan somaliya ka hirgaleynin maadaama laga diiday kelitaliskii farmajo oo isku dayey inuu xukunka awood ku qabsado laakiin laga diiday

Laftagareen ayaa bilaabay inuu hubeeyo beeshiisa asigoo amray in hub keyd u ahaa maamulka uu hoggaamiyo loo qeybiyo beesha uu ka dhashay hubkaasi ayaa loogu talo-galay ciidamada koonfur galbeed dhameysta tabababarka ay bixiyaan saraakiisha uk ilo-wareedyo ayaa sheegay in hubkaasi oo u badan qoryaha fudud iyo rasaastooda sida AK-47, BKM, bastoolado iyo rasaas gebi ahaanba lagala baxay bakhaaradii ay ku jireen 

Sida ay sheegayaan wararka aan helnay ujeedada ka danbeysa in hubkaasi galo gacan maleeshiyo beeleed ayaa waxay xiriir la leedahay guuldarada siyaasadeed ee soo wajahay shacabka koonfur galbeed ayaa iska diiday isku day kasta oo lagu doonayo in lagu kordhiyo mudada xilka madaxtinimo ee koonfur galbeed waxayna barbar dhigeen isku daygii fashilmay ee farmaajo uu ku doonayey inuu xukunka ugu kordhisto oo laga diiday 

Wuxuna wajahayo lafta gareen mucaaradad xoogan kadib markii farmaajo looga adkaaday doorashada isla markaana uu ahaa shaqsigii isku halleynayay in uu si xoog ah ku sii haayo madaxweynaha koonfur galbeed lafta gareen ayaa dhisay madaxtooyo cusub waxayna muujinaysaa inuu doonayo inuu xukunka ku kordhiyo si xoog ah oo ka fog doorasho waxaana lagama maarmaan ah in loo hoggaansamo rabitaanka shacabka ee ah in la qabto doorasho xalaal ah oo ka dhacda maamul goboleedyada oo dhan 

Si ay u doortaan shaqsigii ay rabaan ayna meesha ka saaraan maamulka fashilmay ee raadinaayo inuu dagaal geliyo ama raadinaayo inuu xoog ku joogo maamulkaasi waa in loo hoggaansamaa sharciga iyo dastuurka dalka uu qabo lagana leexda waxwalba oo dhibaato u keeni kara dalkaan oo ka soo kabanayo dagaalo sokeeye lagana fikiraa siddii dhibaatada looga saari lahaa shacabka masaakiinta ah ee dhibaatada ku jiraan dalkane la gaarsiiya hormar iyo amni waara 

Post a Comment

0 Comments