Farmaajo oo bilaabay inuu u gaarsado xildhibaanadii codkooda siin waayeen ka dib markii ay lacago fara badan ka qaateen

  

Wararka maanta

  Xili ay soo dhawaatay doorashada madaxweynaha ayaa la sheegay in Farmaajo uu lacago badan oo laaluush ah siiyay xildhibaano badan si ay ugu codeeyaan wuxuuna soo saartay xildhibaano asiga daacad u ah oo rabay inuu markale xukunka ugu soo laabto si uu u gumaado shacabka masaakiinta ah

 Farmaajo wuxuu isku dayay maalin ka dib doorashada in uu xabsiga dhigo xildhibaanadii lacagta ka qaatay inta uusan villa somalia uusan wareejin si uu ugu aargoosto uguna dhigo xabsi guri si uu lacagtisa ugu soo ceshto laakiinta inta uu qorsheynaayeyey ayaa waqtigii ka dhacay oo villa somalia uu wareejiyey

Kadib markii uu farmaajo ku guul darreystay doorashadii dalka ka dhacday waxaa la guda galayaa sidii loo abuuri lahaa dhacdo ku saabsan isku dayga farmaajo uu ku doonayo inuu kaga aarguto markii ay ogaadeen xildhibanada in ay shacabka naceyn kelitalisnimo iyo caburin shacab ayaa go'aan ku gaareen in ay u dooraan madaxweyne ay ku qanacsan yihiin shacab

Farmaajo wuxu helay 35% oo kaliya codadka guud ee xildhibaanada barlamaanka heerkii ugu dambeeyay ee codeynta wuxuna go'aansaday inuu lacagtiisa uu ka soo ceshado xildhibaanada kadib markii ay u codeen waayeen asiga sababtoo ah waxa uu ka xumaaday dhibaatada ku dhacday habeenkii doorashada farmajo oo rajeynayey inuu xukunka ku soo laabto ayaa waayey oo la qiyaamay 

Wuxuun bilaabay inuu adeegsado taageerayaashiisa baraha bulshada ee CBB si ay u aflagaadeeyaan xildhibaanada si sharaftooda meel loogu dhaco ama loo adeegsado maleeshiyaad ka amar qaata weli kelitaliskii xukunka lagala wareegay ee farmajo si naftooda loo dhaafiyo ama ay lacagta ugu soo celiyaan waayo waxay noqdeen bartilmaameyd  haddii ay soo celin waayaan 

Waa in dowlada ay talaabo cad ka qaataa kuwa ku howlan in xildhibanada iyo shacabkaba qalqal gelin rabaan waa maxkamad la soo taaga si loo xukumo waayo waxay rabaan in dalkaan ay dagaal geliyaan si loogu hortago dalkaan inuu dib ugu laabto 1991kii shacabkane ay qaxaan 

Post a Comment

0 Comments