Fahad yaasiin oo qorsheynayey inuu guddiga doorashooyinka laalusho ayaa ra'iisal wasare rooble kala diray

  

Rooble iyo Fahad yaasiin


  Ra’iisul wasaaraha xukumada federaalka soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kala diray guddiyaddii doorashada dadban ee dalka ka dhacday kadib markii uu ka war helay qorshe uu damacsanaa guddiga FEIT sida aan ogaaday guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa qorsheynayey in xalay uu soo saaro go’aan lagu fasaxayo kursiga #HOP086 oo horay guddigaan iyo xafiiska ra’iisul wasaaraha oo is-kaashanaya ay doorashadiisa u hakiyeen

Kursigaas waxaa laga hor istaagay agaasimihii hore ee nisa fahad yaasiin waxaana la sheegay in wada hadalo u socday labadii maalmood ee la soo dhaafay xubno ka tirsan guddiga iyo ergo ka socotay fahad yaasiin lagu go’aamiyey in kursigaas loo fasaxo fahad xogtaan aan helay ayaa sheegeysa in fasaxa kursiga lagu kala qaadan rabay lacag dhan 1.5 milyan oo dollar oo xubno ka mid ah guddiga ay heshiis ku galeen

Musuq-maasuqa fahad yaasiin iyo isku daygiisii ​​ahaa inuu guddi-hoosaadka ku laaluusho lacag dhan $1.5 milyan si loogu soo saaro qoraal uu ku soo ceshanayo kursigiisa fahad yaasiin wuxu isku dayayaa inuu dib ugu soo laabto baarlamaanka si uu u xaqiijiyo in uu helo xasaanad uu iskaga difaaci karo dembiyadii uu galay isagoo u baxsaday dalka turkiga maalintii uu farmajo xilka wareejinayey wuxuuna hadaa rabaa inuu ku soo laabto dalka asigoo xasaanad leh 

Hase yeeshee rooble oo ka war helay qorshahaas socday ayaa kala diray dhamaan guddiyadii doorashada isaga oo sheegay cidda go’aan ka gaari doonta kursiga #HOP086 kuraasta baarlamaanka ee guddiyadu ay go’aamiyeen in dib loo soo doorto waxaa doorashadooda maamulaya guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka waxana loo marayaa habraacii hore ee lagu soo doortay baarlamaanka 11-aad ayuu ku yiri qoraal uu soo saaray ra'iisal wasaare rooble

Dhinaca kale agaasimihii hore ee villa somalia maxamed cabdullaahi ciise oo xalay xilkaas wareejiyey ayaa shaaca ka qaaday in deyn lagu leeyahay xarunta dalka looga arrimiyo isagoo khudbad ka jeediyey munaasabaddii uu xalay xilka ugu wareejiyey agaasimaha cusub xuseen sheekh maxamuud ayaa sheegay in liiska uu wareejiyay ay kamid yihiin shaqaale rayid ah, ciidan, shaqaale is xilqaan u shaqeenayey iyo xubno uu horay usii watay Madaxweyne Farmaajo iyo deyn kooban

Warka kasoo yeeray agaasimihii hore ee madaxtooyada ee ah in deyn lagu leeyahay villa somalia ayaa hadal heyn badan ka abuurtay baraha bulshada waxayna dadka qaar shaki geliyeen sheegashadii madaxweynihii hore ee farmaajo ee aheyd in dowladiisa ay si weyn ula dagaalantay musuq-maasuqa isla markaasna ay ku dadaashay bixinta xuquuqda lagu leeyahay farmajo muxuu u shaacin waayey xogta deynta iyo kharashaadka kale ee madaxtooyada ku baxay muddada uu xilka hayo

Post a Comment

0 Comments