Hanti-dhawraha oo su’aalo weydiiyey wasiirka uu R/W Rooble shaqada ka joojiyay

Wasiirka arrimaha dibadda


Xubno ka socday hanti-dhawrka guud ee qaranka ayaa maanta la kulmay wasiirka arrimaha dibadda cabdisaciid muuse cali ee dhawaan shaqada uu ka joojiyay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble kulanka cabdisaciid iyo xubnaha ka socday hanti-dhawrka guud ee qaranka ayaa yimid kadib markii uu ra’iisul wasaaraha dalbaday in hanti-dhawrka iyo hay’addaha amnigu ay baaritaan ku sameeyan tallaabooyinka wasiirka gaar ahaan fasaxida mrkab siday dhuxul sharci daro ah

24-kii bishaan ayay aheyd markii uu ra’iisul wasaare rooble shaqo joojin ku sameeyay wasiirka arrimaha dibedda sidoo kalena uu baabi’iyey warqad wasaaradda arrimaha dibadda ay ku fasaxday markab waday dhuxul sharci daro ah oo ku xirnaa xeebaha dalka cumaan arrimahaan ayaa imanaya kadib markii uu rooble sharci darro ku tilmaamay shaqaalaha wasaaradda ee la bedelay ama shaqada laga qaaday laga soo bilaabo kowdii janaayo 2022 uuna amray in shaqaalahaas dib loogu fasaxo howlahooda dibna loogu celiyo goobihii iyo xafiisyadii ay ka shaqeynayeen

Farmaajo oo qorshihiisu ahaa inuu xilal iyo darajooyin ku tixo shaqsiyaadka hawiye naceybka ku sifoobay ayaa 2017 u magacaabay la-taliyaha amnigiisa oo ka dhigan (la-taliyaha amniga qaranka) isagoo aan u eegin lahaanshiyaha khibrad amni iyo aqoon ciidan midna cabdisaciid oo dadka u dhow ay sheegayaan inuu yahay basaas dalal shisheeye u shaqeeya ayaa lagu eedeeyay inu fashilyay qorshihii (Natinoal Security Architecture) ee lagu soo saxiixay shirkii London waxaana la tabiyay inuu sir-doonno shisheeye iyo hay’ado caalami ah la wadaagay xog ku saabsan amniga qaranka

Ka waxaa loo magacaabay wasiirka arrimaha dibada wuxuuna xogo qaldan si joogto ah u siinayay wakiillada beesha caalamka ee farriintiisu gaari karto wuxuuna qeyb ka mid ah ciidanka XDS ku tilmaamay maleeshiyo beeleed taasoo sababtay in ay waayaan xuquuqaadkii ay lahaayeen shaqsiyaad la khaarijiyay qaraxyo waaweyn oo caasimadda gilgilay curyaaminta ganacsiga reer Muqdisho caburinta shacabka cagajugleynta siyaasiyiinta iyo gabood-fallo kale ayaa la rumeysan yahay inuu kaalinta koobaad uga jiray tan iyo dhamaadkii sanadkaan

Tan iyo markii uu qabtay xilka waxaa uu Wasaarada ka dhigay goob laga shaqaaleysiiyo beesha uu ka soo jeedo isagoo shaqada ka ceyriyey shaqaale muddo dheer ka soo shaqeeyey Wasaarada oo lahaa aqoon iyo khibrad shaqo cabdisaciid ayaa tan iyo markii la magacaabay shaqo ka dhigtay wicitaanka Wasiirada dalalka dhigiisa ah ee caalamka kuwaasoo gaaray heer ay dansadaan telefanada rooble oo haatan ku baraarugay fikradaha iyo shaqada guracan ee cabdisaciid ayaa haatan shaqada ka ceyriyey isagoo ku eedeyey inuu fasaxay markab siday dhuxul sharci daro ah

Shacabka soomaaliyeed ayaa dalbanayaan in maxkamad la soo taago wasiir cabdisaciid iyo dhammaan xubnihii ka tirsanaa maamulkii Farmajo ee musuqmaasuqa ku jiray ka hor inta aysan ka tagin xafiisyada ay joogaan si cadaalad loo marsiiyo shantii sanada bulshada waxay sugayeen in ragaan cadaalad la horkeeno ay arkaan


Post a Comment

0 Comments