Shacabka soomaaliyeed ayaa dalbanayo in jeneral odowaa la horkeeno maxkamad si beentii uu ka sheegay askjartii eritarea la geeyey loogu ciqaabo

 

Odowa Yuusuf Raage

  Taliye Odawaa Yuusuf Raage oo horay ugu jawaabayay eedeeyn uu madaxweyne xasan sheekh u jeediyay farmaajo kahor inta aan la dooran ee uu mucaaradka ahaa oo ku aadaneyd ciidanka la geeyey eritrea ayaa beeniyay islamarkaana sheegay inaysan jirin ciidan soomaaliyeed oo dalka eritrea ku maqan

Eritrea ayaa ciidan loo qaaday anigu ma garanayo wasiirkana meel kaloo ciidan ka keenayo ma aysan jirin eritrea ciidan loo qaaday oo xoogga dalka ka tirsan anigu ma ogi taas ayuu yiri taliye odowaa yuusuf raage oo ka hadlay golaha shacabka madaxweyne farmaajo ayaa si kastaba munaasabadii xil wareejinta ka sheegay xaqiiqda ciidankaas xili uu goobta ku sugnaa odawaa yuusuf raage islamarkaana feylashooda uu ku wareejinayay xasan sheekh

Taliyaha ciidamada xoogga dalka jeneraal odawaa yuusuf raage ayaa wajahaya fadeexad iyo wejigabax kadib markii madaxweynihii hore ee soomaaliya maxamed cabdullaahi farmaajo uu shalay qiray in ciidamadii ugu badnaa ee soomaaliyeed tababar loogu qaaday dalka eritrea arrintan ayaa fadeexad iyo ceeb ay ku noqotay taliye odawaa yuusuf raage oo laga duubay beentaasi haddana qof kasta uu daawan karo

Farmaajo ayaa eritrea u diray in ka adan 10,000 oo askari ee ma ahayn 5,000 sida dhawaan la sheegay iyadoo ay ogyihiin taliyaha ciidanka odowaa yuusuf iyo fahad yaasiin askartaan ayaa ka qayb galeen dagaalkii tigray ee dhinaca ciidamada itoobiya askarta soomaalida ayaa xasuuq iyo gabood fallo ka dhan ah bani’aadantinimada kala kulmay shacabka itoobiya iyadoo uu wax ka og yahay madaxweyne farmaajo sida lagu sheegay warbixinno dhowr ah oo caalami ah oo uu shaqsi ahaantiisa horay u beeniyay

Ciidamo fara badan ayaa ku dhintay in ka badan kala bar askartaasi maadaama in ka badan 5,000 oo askari looga dilay dagaalada farmaajo wuxuu awoodi waayay in uu shacabka soomaaliyeed kala hor tago khasaarahaas oo uu ku lug lahaa dagaalladii dhacay sidaas darteed ayaa farmaajo u dooneyn inuu madaxweynaha cusub ku wareejiyo dhibka ka dhashay dilka askartan tirada badan ee soomaalida ah waaa in lagula xisaabtamaa farmaajo, fahad yaasiin iyo odowaa yuusuf nolosha askarta soomaalida iyo sidoo kale mas’uuliyadda dambiyada ay ciidamada ka geysteen gobolka Tigray


Post a Comment

0 Comments