Madaxweyne farmaajo oo ahaa madaxweynihii ugu mushaarka badnaa qaarada afrika oo hadda doonaya in guri loo dhiso

 

Kelitaliye farmaajo

Xubno ka tirsan wasaaradda maaliyada xisaabiyaha guud ee qaranka iyo bangiga dhexe ee dowladda ayaa xaqiijiyay in madaxweyne Farmaajo bil kasta uu mushaar ahaan u qaadanayay intii uu joogay xafiiska lacag dhan 60-kun oo dollar sanadkii wuxuu Dowladda ugu shaqaynayay 720-kun oo dollar marka leesku daro 63-bilood ama (shan sano iyo saddex bilood) oo uu fadhiyay xafiiska ugu sareeya dalka wuxuu madaxweyne farmaajo mushaar ahaan u qaatay $3780,000 (saddex malyan todobo boqol iyo sideetan kun oo dollar)

Intaas waa kaliya mushaarka Farmaajo uu ka qaatay dowladda intii uu shaqaynayay kumana jiraan xuquuqaha kale ee Madaxweynaha iyo lacagaha danaha kale lagu dabarayay xubnaha wasaaradda maaliyadda ee dowlada ayaa sidoo kale xaqiijiyay in farmaajo bil kasta accountigiisa gaar ah ay ugu dhici doonto lacag dhan 25-kun oo dollar taas oo ka dhigan sanadkii $300,000 oo kun oo dollar

Waxaa xusid mudan lacagtaan maamuska ah inuu soo kale bil kasta uu qaadan jiray madaxweynaha hadda xafiiska jooga xasan sheekh maxamuud intii uu mucaaradka ahaa mudo xileedkii hore ee maaxweyne Xasan Sheekh wuxuu mushaar ahaan u qaadan jiray 8-kun oo dollar oo ah lacag aad uga yar tan uu mushaar ahaan u qaadanayay farmaajo mushaarka xasan sheekh ee xiligaas iyo kan dhammaan madaxda kale iyo shaqaalaha dowladda hal mar ayaa la jaangooyay waxaana la marsiiyay baarlamaanka soomaaliya oo ansixiyay

Xubnaha wasaaradda maaliyadda ee aan la hadalnay waxay inoo xaqiijiyeen in mushaar kordhinta farmaajo aanan la marsiin baarlamaanka sidoo kalana aanan hal mar lagu soo darin warbixinta miisaaniyadda dowladda inkastoo kooxda farmaajo ay aad u qarinayeen inta uu la egyahay mushaarka madaxweynaha ayaa hadana xogtaan laga ogaaday hay’adaha u qaabilsan maamulka miisaaniyada somaliya waxay cadaynayaa in madaxweyne farmaajo uu ahaa madaxweynaha ugu mushaarka badan qaarada afrika isla markaana sanadkii uu soomaaliya ka qaadanayay lacag dhan $720-kun oo dollar

Kaalinta labaad waxaa ku jira madaxweynaha dalka camiruun Paul Biya oo qaata $620,976, halka Sadexaadna uu ku jiro boqorka dalka maroco king mohammed kaas oo mushaar ahaan u qaata sanadkii $488,604 hadaba madaxweyne farmaajo oo ahaa madaxweynihii ugu msuhaarka badnaa qaarada afrika shantii sano ee la soo dhaafay mushaarna u qaatay $3780,000 hadana asaga oo aanan xil hayn sanadkii qaadanaya $300,000, ma u baahanyahay in qaaraan guri loogu dhiso.?

Post a Comment

0 Comments