Shacabka soomaaliyeed oo si layaab leh ugu falceliyey wareysigii uu bixiyey yaasiin farey

 

Yaasiin farey

Kooxda nabar iyo naxdin ayaa billaawgii hore ku fekeray in ay ku qasaan xafladda caleema-saarka lacag uruurin beenaad ah ay leeyihiin waxaa guri loogu dhisaa Farmaajo ayey u socon weysay ka dib markii uu dhicisoobay qorshahaas sababo la xiira abaaraha dalka ka jira fahad ayaa yaasiin farey ku amray inuu wareysi bixiyo maalinta xigtana uu isaga bixin doono

Si hadal-heyntooda dadka uga mashquuliso xafladda caleema-saarka xilli ay dhanka kale uu wareysigiisa ku sheegi doono intii uu Yaasiin Fareey ka sheegay oo ah tii uu shaqada ku waayay ee aheyd argagaxisadaa dishay ikraan shacabka soomaaliyeed oo ku baraarugsan dhagarta eedeysanayaashan ayaa si aysan fileyn uga falceliyay jawaabaha yaasiin farey ee ku aaddan kiiska Ikraan

Wuxuuna wareysigooda dhanka kale daarran yahay marin habaabinta baaritaanka ay hadda gacanta ku hayaan hoggaanka cusub ee NISA u kala orodka muuq baahiyeyaasha waxey dhanka kale muujineysaa sida ay raggan uga cabsi qabaan caddaalad u raadinta ikraan ee hoggaanka cusub wadaan oo mareysa meel fiican shalay yasiin farey maanta Fahad berrina Farmaajo taxanaha wareysiyada qoladii nabad iyo nolol waxa uu salka ku hayaa sadex qodob oo muhiim ah

1. Ka hortaga dacwadaha ku soo socda ee kiisaskii gabood falka ahaa ee ay gaysteen inta ay xilka hayeen ikraan tahliil, Baydhabo, CCW, diyaarad ka dejintii iyo weerarkii madaxdii hore xaalad abuurkii bosaaso iyo Kismaayo, hawo ka xirirstii kismaayo cunaqabatayntii Somaliland iyo ku takri faladii awooda ciidanka 2. marin habaabinta caamada iyo hadii lana soo dacweeyo ama wax uun naloo qabsado ogadaa xaqdaro ayaa nalaku haystaa

3. Mida ugu dambaysa oo ah inay waraysigooda inta badan ku saleeyaan wax ayaan wanaajinay iyo dowladnimada waanu la shaqayn been abuur ah dhamaantood sababta ay xildhibaan u noqdeen ayaa ah inay xasanada ku gabadaan lakin xasanada waa la iska xayuubin doonaa 

Yaasiin farey haduu run sheegayo wareysi ha siiyo dadka xirfada leh oo qofka ay waraysanaayaan karkarin yaqaan su'alo iyo jawaabo uu isagu soo barax tiray yuu nala soo hor fariisan falaari gilgilasho kaagama harto ama wareysi bixiya ama dalka ka maqnaada marna u malayn maayo in sidaas la idinku ilaawi doono

Post a Comment

0 Comments