Wareysiga Fahad Yaasiin ayaa ujeedadiisu aheyd kala qeybinta iyo kicinta kacdoonka ciidamada sirdoonka iyo ku dhawaaqida dagaal ka dhan ah maamulka cusub.

 

Fahad yaasiin

Wareysigii Fahad Yaasiin ayaa ah mid lagu doonayo in lagu kicinayo shacabka somaliyeed kadib jabkii farmajo ka soo gaaray doorashadii madaxweynaha iyo waayitaankii uu waayey xubinimadii ahad Yaasiin baarlamaanka oo uu xoog ku soo qaatay kursuga beeshiisa wuxuuna isku dayayaa inuu burburiyo isku dayga madaxweyne xasan sheekh maxamuud uu ku doonayo inuu isbedel ku sameeyo dimuqraadi 

Ka dib shantii sano ee Farmajo iyo fahad dalka ay geliyeen dagaalo iyo musuq-maasuqa shacabka soomaaliyeedna ay ku noolaayeen dulmiga ragaan oo adeegsanayeen shaatiga dowladda fahad yaasiin waa dambiile ka baxsanaya cadaaladda oo isku dayaya inuu ka weeciyo dambiyada uu galay indhaha dadka si uu ugu badbaado maxkamada 

Hadalkii Fahad Yaasiin ee ahaa inuu ka tirsan yahay al-itixaad uuna xubin firfircoon ka ahaa ururka al-itixaad al-islaami ee markii dambe u xuubsiibtay Ictisaam islamarkaana uu ka gaaray darajo sare oo ah inuu gobol madax uga noqday wuxuuna yiri waan ku faraxsanahay waana ku faanaa inaan xubin ka ahaa al-itixaad ayaa ah urur argigixiso oo gacan saar la leh al-qaacida waxaana Mareykanka uu u aqoonsaday urur argagixiso ingiriiska iyo wadamada kale ee reer galbeedka

Fahad Yaasiin ayaa si bareer ah u aflagaadeeyay taliyaha cusub ee nabadsugida mahad salaad wuxuuna la barbar dhigay argagixisada al-shabaab isagoo isku dayayo inuu kala qeybiyo oo uu khilaaf iyo kacdoon ka dhex abuuro hay’adda dadka siyaasadda u dhuun daloola ayaa sheegay in waraysiga Fahad bixiyey uu ahaa mid siyaasadaysan oo uu damcay in uu indhaha bulshada ka weeciyo dambiyada uu galay iyo taariikhda madow ee uu ku daba jiray tan iyo intii uu hay’adda sirdoonka joogay

Dadka wax indha indheeya ayaa yiri maxaa isku soo beegay wareysiga Fahad Yaasiin uu bixiyey iyo kan yaasiin farey ma ahan mid iska timid balse waa mid ku timid qorshe farmajo iyo kooxdiisa ay hormuudka ka yihiin oo u muuqday iney meesha ka saarayaan dembiyadii ay galeen shantii sano ee la soo dhaafay iyo dilalkii qorsheysneyd ee ay geysatay nisa sida dilkii ikraan tahliil oo ka tirsaneyd sirdoonka oo aheyd madaxii waaxda amniga internetka ee hay’adda 


Post a Comment

0 Comments