FAHAD Yaasiin iyo YAASIIN Farey oo isku khilaafay xogta kiiska Ikraan Tahliil Faarax

 

Fahad yaasiin

Shir jaraa’id oo maanta ay magaalada Muqdisho ku qabteen xildhibaanada sida qaaska ah u metelayay ikraan tahliil oo ah sarkaal la weysan yahay muddo ku dhow sanad ayaa si adag uga hadlay sheegashada Fahad Yaasiin oo maxkamad ka cararaya waa in dalka lagu soo celiyaa

Taliyihii hore ee NISA ayaa ku eedeeyay dilka ikraan inay ku lug leeyihiin RW Maxamed Xuseen Rooble agaasimaha NISA ee mahad salaad iyo al-caddaala kuwaasi oo mudooyinkii dambe siyaasad ahaan isku hayeen senator samsam oo ka mid ah xildhibaanada goobta ka hadlay ayaa sheegtay in fahad uu kala garan la’yahay dadka ay isku hayaan siyaasada iyo kiiska ikraan islamarkaana uu ciilka siyaasadeed ee uu qabo kula dul dhacay masuuliyiinta dowladd

Sidoo kale waxay sheegtay kala-hadalka fahad yaasiin iyo Yaasiin Farey in laga leeyahay in lagu jahwareeriyo kiiska ikraan tahliil isla markaana waxba kama soo qaadan laga dhigo kiiskaas hadda nahay xildhibaanadii metelayay ikraan oo aan ku idilnahay madashaan arrintaan ma ogolin madaxweyne xasan sheekh waxa si qaas ah uga codsaneyna in kiiska ikraan dib loo furo oo maxkamad lasoo saaro dadka lagu tuhmayo inay ku maqan tahay Ikraan

Fahad yaasiin iyo yaasiin farey ayaa wareysi deg deg ah bixiyay markii madaxweyne xasan sheekh maxamuud uu agaasimaha hay’adda NISA u magacaabay mahad salaad arrintan ayaa lasoo warinaya inay ka dambeyso ka dib markii ay ka warhaleen in mahad uu aqbalay in guddi baara u saaro dhamaan wixii tacadi ahaa oo ay gudaha hey’adda ka geysteen xubnihii hore ee hey’adda gaar ahaan shaqsiyadii ugu awoodda badnaa sida fahad yaasiin yaasiin farey iyo cabdullaahi adan kulane

Kala-hadalka fahad iyo yaasiin farey ayaa sii xoojinaya eedeymihii hore ula xiriirinayay kiiskaas maadama ay yihiin labadii masuul ee u sareeyay NISA xiligii la waayay ikraan oo lagu tuhunsan yahay inay ku maqan tahay gacantooda shacabka somaliyeed ayaa codsi u dirayan dowladda turkiga loo soo gacan geliyo Fahad Yaasiin laguna soo oogo dambiyadii uu horay u galay iyo hadallo been abuur ah oo uu ka sheegay madaxda dowladda

Post a Comment

0 Comments