Beesha caalamka ayaa bilowday taageerada dowladda somaliya ka dib shan sano oo farmajo xiriirka beesha caalamka xumeeyey

 

Farmajo Iyo Xasan Sheekh

Wasaaradda aashaandhigga xukuumadda federaalka ah ee soomaaliya ayaa qalab ciidan ka guddoomay howlgalka midowga yurub ee lagu dhisayo tayada ciidamada xoogga dalka sareeye gaas Maxamed Tahliil Biixi ayaa sheegay in qalabkan uu muhiimad gaar ah u leeyahay kobcinta tayada ciidanka isagoo xusay in guulaha ay gaarayaan ciidamada xoogga dalka ay qeyb ka tahay adeegsiga qalab casri ah iyo hub casri ah

Soomaaliya ayaa heshay hub casri ah oo lagu taageerayo ciidamada qalabka sida iyadoo ay u dheer tahay 100 milyan oo doolar oo taageero hordhac ah oo midowga yurub ay siiyeen dowladda soomaaliya kadib markii uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud la wareegay xilka madaxtinimada maadaama shantii sano la soo dhaafay ay dalka ka jirtay dagaalo iyo amni darro ay ka wadeen kooxda farmajo sababna u ahaa joojinta dhaqaalihii beesha caalamka siin jirtay soomaaliya sidoo kalena lagu soo rogay cunaqabateyn dhanka hubka ah

Farmaajo iyo maamulkiisa ayaa sabab u ahaayeen in xaaladda soomaaliya ay xumaato kadib markii dalalka saaxiibka la ah soomaaliya ay ka jareen taageeradii dhaqaale iyo mid ciidan dhaqaale xumadii soo wajahday dowladdii hore ay sabab u ahayd siyaasaddii farmaajo ee ku aaddanayd dalalka deeqaha bixiya iyo kuwa saaxiibka ah cunaqabateynta hubka iyo joojinta taageerada milateri ee soomaaliya ay keentay in xarakada al-shabaab lagala wareego qeybo badan oo ka mid ah koonfurta iyo bartamaha soomaaliya ilaa iyo caasimadda muqdisho

Taliyaha ciidamada dhulka ayaa ku nuux nuuxsaday in gargaarka ciidamada ay muhiim u tahay xoojinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada waxaa xusid mudan in midowga yurub uu yahay saaxiibka muhiimka ah ee soomaaliya maadaama uu taageero weyn ka siiyo dowladda soomaaliya dhinacyada siyaasadda amniga iyo horumarka ciidanka xoogga dalka ayaa sii wada howlgallada milateri ee lagu baacsanayo laguna sifeynayo kooxaha argagixisada ah ee ku sugan deegaannada ay weli al-shabaab kaga sugan yihiin koonfurta iyo bartamaha dalka

Dowladda cusub waa in ay xooga saartaa sidii soomaaliya ay u soo celin lahayd kalsoonida dalalka deeq bixiyayaasha iyo dalalka saaxiibka la ah ka dib markii ay meesha ka baxday dowladdii kali taliska ahayd ee farmaajo oo u adeegsanayey ciidamo inu ku dhibaateyo mucaaradka ka soo horjeedo dowladiisa halkii uu la dagaalami lahaa al-shabaab

Post a Comment

0 Comments