Wasiirka maaliyadda oo shegay inuu farmaajo ka tagay khasnadda dowladda oo faaruq ah

 

Farmajo Iyo Beyle

Wasiirka wasaaradda maaliyadda xukuumadda fedeeraalka soomaaliya mudane cabdiraxmaan ducaale beyle oo muuqaal kooban soo duubay ayaa ka hadlay waxa ka jira wararka sheegaya in dowladdii uu hoggaaminayey madaxweyne Farmaajo ay qasanadda uga tegtay lacago badan isla-markaana ay buuxaan wasiir bayle ayaa beeniyey wararkaasi wuxuuna sheegay in dadka faafiyey ay saameeyeen mas’uuliyad darro aad u weyn

Qolooyin oranaya qasnadaheena ayaa buuxa lacago fara badanbaa laga tegay waxyaalaha noocaan oo kalaa aniga runtii waxaan u qaadanayaa mas’uuliyad darro waxaa kale oo taa ii wehliyo oo aan maqlayaa wasiir Cabdiraxmaan Beyle ayaa sidaas yiri wasiir bayle ayaa xaqiijiyey in aysan hadda buuxin qasnadda dowladda isla-markaana aysan jirin lacag looga tegay wuxuuna xusay in xaqiiqada jirta ay sidaasi tahay

Wasiirka maaliyada dowladda federalka somaliya oo sheegay in dakhliga gudaha uu yahay mid aad u yar maadaama dowladda ay canshuur ka qaado magaalada muqdisho oo kaliya garoonka diyaaradaha iyo dekeda ay u yihiin xarun dhaqaale oo muhiim ah wasiirka xilka ka degaya ayaa shaaca ka qaaday in mushaarka shanta bilood ee soo socota uusan hadda gacanta ugu jirin

Hadalkaan oo imaanaya warar been abuur ah oo lagu faafiyey baraha bulshada ayaa sheegaya in Farmaajo iyo kooxdiisa ay ka tageen lix bil mushaarkooda taasoo ka careysiisay wasiirka maaliyada kooxda farmajo ayaaa wadaan been abuur aan sal iyo raad toona laheyn oo lagu sumcad dili rabo dowlaadda cusub ayna tahay in wax laga qabto inta aysan bulshada aysan dhibaateen kooxdaan maafiyada ah waa in maxkamad la soo taaga

Farmajo iyo kooxdiisa ayaaa hore u qaaten lacagtii ku jirtay qasnada dowlada waxayna hada ku qarinayaan guriga farmajo oo uu degan yahay waxayna rabaan in ay guri ku dhistaan ama ay bankiga ay ku shubtaan iyadoo laga dhigaayo in shacabka soo aruuriyeen ayna ugu tala galeen in guri loogu dhiso farmajo taasoo shacabka ogaadeen waa in hay'addaha ku shaqada leh ay horkeenan kooxdaan maafiyada ah cadaalada

Shacabka soomaaliyeed waa in ay ka digtoonaadaan been abuurka ay faafinayaan kooxdaan qoleysatada ah oo an u naxeynin shacabka masaakiinta ayna dhiigooda baneysanayaan mida kale waxaan ka codsaneynaa dowladda cusub in ay furto meel dadka lagu dhaqan celiyo si dadkii shantii sano la marin habaabiyey ay u sameeyaan dhaqan celin si maskaxdooda loo nadiifiyo farmajo iyo kooxdiisane xabsiga lagu tuuro si shacabka cadaalad u helaan

Post a Comment

0 Comments