Madaxweyne xasan sheekh ayaa u suurtagashay in uu soo afjarto xiisadda IMF muddo ka yar bil gudaheed ka dib markii farmaajo somaliya geliyay dhibaato dhaqaale

Farmajo Iyo Xasan Sheekh


Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka go’an joogteenta ajendaha dib-u-habaynta ee barnaamijka ay taageerto ECF iyo geeddi-socodka HIPC, kaas oo muhiim u ah dhisidda adkeysiga, kor u qaadista korriinka loo dhan yahay iyo dhimista faqriga dadaalka joogtada ah ee madaxweyne xasan sheekh ee lagu xoojinayo abaabulka dakhliga gudaha iyo maareynta maaliyadda dadweynaha waa mid ammaan mudan horumarka joogtada ah ee lagu samaynayo tayada hay’adeed ee bangiga dhexe ee soomaaliya ayaa soo dhaweynayaan shacabka

Soomaaliya waxayna noqon doontaa muhiim in la sii wado horumarinta dib-u-habaynta si loo hagaajiyo AML/CFT iyo maamulka dadaal joogto ah ayaa loo baahan yahay si loo dhamaystiro HIPC qodobbada dhammaystirka kiciya iyo in la gaadho heshiisyada cafinta deynta dhammaan deyman bixiyayaasha oo hore loo jaajiyey ka dib markii Farmajo uu kala baxay bankiga dowladda 50 milyan oo dollar si uu xildhibaano u soo saarto ka dibna uu ku qasaarey xildhibaanadii uu soo saartay

Farmaajo iyo kooxdiisa ayaaa hore u qaateen lacagtii ku jirtay qasnada dowlada waxayna hada ku qarinayaan guriga farmajo oo uu degan yahay waxayna rabaan in ay guri ku dhistaan ama ay bankiga ay ku shubtaan iyadoo laga dhigaayo in shacabka soo aruuriyeen ayna ugu tala galeen in guri loogu dhiso farmajo taasoo shacabka ogaadeen waa in hay'addaha ku shaqada leh ay horkeenan kooxdaan maafiyada ah cadaalada shacabka somaliyeed waa in ay ka digtoonaadaan been abuurka ay faafinayaan

Kooxdaan qoleysatada ah oo an u naxeynin shacabka masaakiinta ayna dhiigooda baneysanayaan Farmaajo ayaan ka jawaabin warbixintii hanti-dhowrka maaliyadda u soo gudbiyey ee ku saabsanaa in la lunsaday in ka badan 50 milyan oo dollar oo hanti qaran ah asigoo sheegay in loo adeegsaday soo saaristii xildhibaano daacad u ah si uu xukunka ugu soo laabto laaakiin ka awood batay rabitaanka shacabka iyadoo ay dalbanayaan in farmaajo lagu xukumo danbigii uu ka galay dalka

Musuq-maasuqa iyo lunsiga hantida qaranka mudadii uu talada dalka hayay farmaajo ayaa ka mid yihiin sababaha keenay dhibaatada ka jirta soomaaliya oo wasiirka maaliyada uu sheegay in dowladii hore aysan ka tagin wax lacag ah ayna xafiiska baneysay iyadoo deyn lagu leeyahay madaxtooyada qaranka midaasi darteedna soomaaliya ay u seegi lahayd deyn cafinta bankiga aduunka ee IMF-ta waxaana hadaa ku guuleystay dowlada cusub ee madaxweyne xasan sheekh ay u suurtagashay in ay soo afjarto xiisadda IMF muddo ka yar bil gudaheed markii ay talada la wareegtay 

Post a Comment

0 Comments