Madaxweynaha koonfur galbeed ayaa bilaabay inuu xukunka awood ku sii heysto asigoo mudo xileedkiisa ay ka harsan tahay 5 bilood

Lafta Gareen

   Madaxweynaha koonfur galbeed C/casiis Lafta-gareen ayaa deegaanada uu ka arrimiyo ka mamnuucay shirarka siyaasadeed maadaama waqtiga u harsan uu yahay mid kooban oo ay ka harsan tahay shan bilood iyo 20 maalmood  laftagareen ayaa qaadaya tallaabo kalitalisnimo ah isagoo go’aansaday inuu mamnuuco shirarka siyaasadeed iyadoo waqti kooban uu ku talo galay in la joojiyo doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed 

Wasiirka amniga maamulka koonfur galbeed Maxamed Isaaq Cabdi oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada baydhabo ayaa sheegay in aan cidna loo ogolaan doonin in ay shirar siyaasadeed qabato waxa uu sheegay in deegaanada koonfur galbeed ay ka jiraan xaalado adag oo dhanka abaaraha ah waxana muuqata in lafta-gareen uu u adeegsanaayo xaalada abaareed ee uu ku carqaladeynayo doorashada madaxweynaha maamulka koonfur galbeed

Sidoo kale wasiirka amniga maamulkaas ayaa hey’adaha koonfur galbeed faray in cid kasta oo oo shir qabaneyso ay xabsiga dhigaan ama ay dilaan arimahaan ayaa ku soo aadayaa xilli guddoomiyihii hore ee gobolka bakool Shiine Macalin Nuurow uu baydhaba uga dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha maamulkaas

Guddoomiye shiine ayaa baydhaba ka sheegay in waqtiga u haray lafta gareen uu gabaabsi yahay isla markaana shan bilood iyo 20 maalmood kadib laga doonayo inuu qabto doorasho kuna kalsoonaado baarlamaanka lafta-gareen ayaa sii xaqiijinaya woodda maamulka koonfur galbeed isaga oo hadda u muuqda inuu cagta saaray waddo kali talisnimo ah oo ay ka go’an tahay inaanu xukunka marna ka degin

Asigoo garab ka helayo madaxweynihii hore ee somaliya farmajo oo u balan qaaday malaayiin dollar si uu u iibsado odeyaasha dhaqanka iyo in uu ku dhisto maleeshiyaad asiga daacad u ah si ay xukunka ugu hayaan lafta gareen cashar kama baran miyaa weli jabkii farmajo ku dhacay kadib markii uu isku dayay inuu sameysto muddo kororsi 

Post a Comment

0 Comments