Farmajo iyo fahad yaasiin inta ay xukunka joogeen waxay sameysteen xabsi qarsoon oo ay ku dhibaateeyaan shacabka masakinta ah

   

Farmajo iyo Fahad yaasiin


  Fanaanka Abshir Gaarane Axmed oo dhibane u ah hey’adda nabad suigdda somaliya ee nisa ayaa bixiyey wareysigii ugu dheeraa tan iyo markii xabsiga laga sii daayey sanadkii hore ee 2021-kii farmajo iyo fahad yaasiin ayaa sameysteen xabsi qarsoon oo ay ku dhibaateen jiren shacabka ka aragtida duwan si ay ugu ogaan dembiyo waaweyn iyagoo u geysanayaan jirdil xoogan

Sanadkii 2020-kii ayaa twitterka nisa lagu baahiyey Abshir Gaarane oo qiranaya uu 13 sano ka tirsanaa kooxda al-shabaab balse wareysigaan ayuu ku soo bandhigay dhibaatadii loo geystay ee ku kaliftay inuu sheegto shabaab uusan aheyn ayna ku qasbeen Farmaajo iyo fahad yaasiin abshir oo lasoo xiray bilowgii bishii koowaad ee sanadkii 2020 ayaa sheegay in maalinkii sagaalaad ee xabsigiisa uu ku qasbanaaday inuu qirto wixii ay doonayeen ragii jir-dilayey ee jilicow ku soo xiray

Wuxuu sheegay in qolka lagu jir dilay ee sagaalka maalmood lagu haayey uu ku dheganaa xafiiska Ibraahim Macalin oo ahaa taliyaha nisa ee godka jilicow maalintii uu qirtay inuu yahay shabaab wuxuu sheegay in muuqaalka uu taleefankiisa uga duubay ibraahim macalin qirashada qorshihii ay wateen xubnihii ka tirsanaa nisa ayuu sheegay inuu ku qasbanaaday kadib markii loo geystay jir-dil xad dhaaf ah

Seddax bilood ayuu sheegay inuu ku xirnaa godka jilicow halka xabsi ku yaalla madaxtooyada uu ku xirnaa mudo sanad ah sida uu ku cadeeyey wareysigaan fahad iyo farmajo waxay adeegsan jireen maleeshiyaad ay soo tababarteen waxayna ku eedeyn jireen in ay ka tirsan yihiin alshabab iyagoo jirdil xoogan u geystaan ka dibna video xoog ah ay ka duubaan

Farmajo iyo fahad waxay dalka ka galeen dhibaatooyin fara badan waxayna dalka geliyeen dagaalo sokeeye waa in maxkamad la soo taaga si loogu qaado dembiyadii ay ka galeen dalka iyo shacabka si loo helo cadaaladii la sugaayey shantii sano ee xukunka haayeen iyagoo loo haysto dambiyadan laga galay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa kasoo horjeeda siyaasadda



Post a Comment

0 Comments