Al-Shabaab oo weerartay 3 magaalo oo ciidanka Liyuu Boolis ay ku sugnaayeen iyo farmajo iyo fahad yaasiin oo ku garab siinayaan

 

Farmajo iyo alshabaab

 Kooxda Al-Shabaab ayaa shalay weerar culus ku qaaday saddex magaalo oo dhacda galbeedka Soomaaliya kuwaas oo ku dhow xuduudka ay Soomaaliya la wadaagto wadanka Itoobiya magaalooyinka ay al-shabab weerareen oo kala ah Yeed iyo Aato waxayna ka tirsan yihiin gobolka Bakool ee maamulka koonfur galbeed weerarada al-shabaab ee mudooyinkaan danbe soo kordhey ayaa ka dhashay taageerada ee ka helaan Farmaajo iyo fahad yaasiin oo garab siinaya dhaq-dhaqaaqa argagixisada 

Sidoo kale qaar ka mid ah saraakiisha nisa ee daacadda u ahaa xukuumadii Farmaajo ayaa ah kuwa ay kaashadaan dhaq-dhaqaaqa al-shabaab waxayna ka helaan xogaha sirta ah ee ciidamada qalabka sida ee ku sugan deegaanada ay maamulaan farmaajo iyo fahad yasiin ayaa ku hawlan in ay carqaladeeyaan dawlada cusub iyagoo adeegsanaayo xeelado badan dawalada uu hogaamiyo HSM waa in ay ku baraarugtaa falalka ay ku kacaayaan labadaan oo ay maxkamad la soo taagaa si looga xisaabiyo dembiyadii ay ka galeen dalka iyo umada soomaaliyeed

Dhinaca kale dowladda cusub ee uu hoggaamiyo HSM, ayaa waxaa ka go’an inay la dagaalanto argagixisada kadib shir jaraa'id uu RW Xamza Cabdi Bare ku iclaamiyey guluf weyn oo dowladda ay ku qaadeyso kooxaha al-Shabaab iyo daacish ee dagaalka kula jira dowladda somaliya rw xamze ayaa sheegay in ay ka go’an tahay in ay qaadaan dagaal xoogan islamarkaana ay ugu hortagayaan al-shabaab iyo ISIS iyo ururada kale ee argagixisada iyagoo adeegsanayaan hab milateri iyo habab aan milateri ahaynba

Xamza ayaa xusay in howl-galada wada-jirka ah ee ka dhanka argagixisada ay horseed u noqonayaan in dib loo furo waddooyinka muhiimka ah ee xiran iyo isku socodka dadka iyo ganacsiga sidaas darteed waxa aan jeclaan lahaa in aan hoosta ka xariiqo muhiimada ay leedahay in la ilaaliyo guulaha ka gaaray illaa hadda iyo in sidoo kalena la sii wado dardarta jirta iyada oo la xoojinayo howl-gallada wada-jirka ah

Shacabka soomaaliyeed waa ay ku baraarugsan yihiin isku day kasto oo ay ku doonaayaan in ay ku abuuraan amni daro Farmaajo iyo fahad ayaa la rumeysan yahay in ay yihiin cadowga koowaad ee umada Soomaaliya waa in xabsiga la soo dhigaa labadooda si dalka amnigiisa uu u dego inta ay labadaan dalka joogan waxay somaliya ku jireysaa dagaal iyo amni darro


Post a Comment

0 Comments