Sakariye Ismaaciil Xersi wuxuu ka tirsanaan jiray Xarakada Al-Shabaab wuxuuna madax ka ahaa rabitaanka Xarrakatul Shabaab sida wasiirka arrimaha gudaha haddana wuxuu noqday taliyaha ladagaalanka argagixisada kooxda farmajoo oo ku tiirsan argagixisanimada dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab oo xiriir adag la leh
Al-Shabaab ayaa sheegay in muddo sanado ah uu ka tirsanaa Zakariye balse labo sano ka hor uu ku biiray dowladda isagoo u safri jiray magaalooyinka dalka iyo dalka Qadar sida lagu sheegay war laga soo xigtay Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo lagu qoray boggaha internet ee taageera Al-Shabaab
Zakariye Ismaaciil oo madaxiisa uu saarnaa lacag dhan 3-milyan oo doollar cidii keenta macluumaad ku saabsan soo qabashadiisa ayaa waxaa uu ka mid ahaa saraakiishii ay is khilaafeen hogaamiyihii hore ee Al-Shabaab isla markaana ka soo baxsaday
Al-Shabaab ayaa sheegay in sababta hada loo shaaciyay warkiisa ay tahay labo arrimood oo ah in warbaahinta iyo ra’yul caalamka indhaha looga leexiyo weerarkii labo maalmood ka hor lagu qaaday Xerada Xalane iyo in Zakariye qudhiisa laga dhameystay muhiimadii laga lahaa isla markaana wixii uu ugu biiray dowladda uu ku fashilmay waa sida lagu qoray boggaha Internet ee taageera Al-Shabaab
Dowlada uu hogaamiyo farmajo ayaa marwalba waxay ku dadaaleysaa sidii xilaal sarsare loogu dhiibi lahaa dadka ka tirsan alshabab si danahooda ay ugu fushaan ayna ugu adeegsadaan siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo shacabka masaakiinta haddii uu farmajo soo laabto dalka waxa uu geli doona god mugdi ah aduunkane ka taga loona aqoonsado meel ay ka taliyaan argigixisada
Xildhibaanada sharafta leh waxaan ka codsaneynaa in aysan soo saarin dad noocan oo kale ah oo dalkeena u horseeda burbur iyo qax hor leh waa in ay u dooran madaxweyne daacad ah oo dalkaan ka samata bixin karo gaarsiin karana hormar iyo amni loona soo damaashaad tago
0 Comments