Labo waxyaabood oo cayilka sababa si fududna la isaga ilaalin karo

Dhacdooyinka aduunka


 Hay'adda Caafimaadka Adduunka u qaabilsan Qaramada Midoobay ee magaceeda loo soo gaabiyo WHO ayaa ka digtay in carruurta iyo dadka waaweynba ay cayilka u sababaan cuntooyinka lagu dalbado telefoonnada iyo ciyaaraha dhinaca online-ka warbixin ay soo saartay hay'adda ayaa lagu sheegay in cayilka uu kusii badanayo dalal ka mid ah qaaradda Yurub ma jiro waddan ku yaalla Yurub oo ay ka yaraanayaan tirada dadka sii cayilaya ilaa laga gaadho sanadka 2025-ka sida ay hay'addu shaacisay

Waxaa lasoo tebiyay in 60% ka mid ah dadka waaweyn iyo saddex meelood meel ka mid ah carruurta ay haysato dhibaatada cayilka arrintaas oo uu sii xoojiyay cudurka safmarka ah ee corona hay'adda Caafimaadka adduunka ayaa ku talisay in la xaddido iibinta iyo suuq gaynta cuntooyinka aan caafimaadka lahayn ee ay carruurta isticmaalaan iyo in la dhimo qiimaha raashinka caafimaadka leh sidoo kale waxay hay'addu ku talisay in dhammaan dadka lagu dhirrigeliyo inay jimicsi sameeyaan

WHO ayaa xogteeda ku saabsan cayilka ee sanadka 2022-ka ku sheegtay in Yurub ay gaartay heer la mid ah kii cudurka safmarka ah maadaama Mareykanka oo kaliya uu uga sarreeyo tirada dadka cayilka la dhibaatoonaya qiyaastii 1.2 milyan oo dhimasho ayuu sanad walba cayilka ka sababaa gudaha qaaradda Yurub sida ay qiyaastay hay'addu taasoo ah 13% ka mid ah tirada guud ee dhimashada ee sanadkii ka dhacda qaaraddaas

Waxaa intaas sii dheer in sanad kasta uu cayilka horseedo in dad gaadhaya 200,000 oo ruux uu ku dhaco cudurka kansarka marka la eego Yurub oo keliya jirka oo culayskiisu bato baruurtuna ay xad dhaaf ku noqoto waxaa ka dhasha cudurro badan oo ay ka mid yihiin 13 nooc oo kansar ah sokorowga iyo xanuunnada sambabbada Warbixinta ayaa lagu sheegay in xitaa uu dadka qaar u sababo curyaannimo hans Kluge oo ah agaasimaha heer gobol ee WHO u qaabilsan Yurub ayaa sheegay in cayilka uusan lahayn wax xuduud ah

Isdhex gal wayn ayaa ka jira dalalka goboleenna balse dhibaatada isku mid ayay u haysataa hase yeeshee waan baddali karnaa waddada uu ku socdo cayilka innagoo dhisayna barnaamijyo caafimaad heerka laga gaaray tiknoolijiyadda iyo adeegyada aaladaha casriga ah ayaa saamayn ku yeeshay dabeecadaha raashin cunidda ee qaaradda Yurub sidaas awgeedna warbixintan waxay ku baaqaysaa in arrintaas si gaar ah isha loogu hayo 

    Post a Comment

    0 Comments