Real Madrid 3-1 Man City Benzema iyo Rodrygo oo ka Caawiyay Kooxdooda inay gaarto Finalka Champions League-ga

Real madrid VS Man city

Real Madrid ayaa finalka Champions League la ciyaari doonta Liverpool ka dib markii uu Karim Benzema rigoore ka dhaliyay waqtigii dheeriga ahaa ee ay 3-1 kaga badiyeen Manchester City real Madrid ayaa u soo gudubtay isku-darka labada ciyaarood 6-5 waxaanay finalka kula ballantay Liverpool oo Salaasadii kasoo adkaatay Villarreal

Saddex gool oo laba ka mid ah uu dhaliyey Rodrygo Goes iyo mid rikoodhe ahaa oo uu ku daray Karim Benzema ayaa Real Madrid siiyey guushan weyn iyadoo gool madi ahaa oo Manchester City ay la hormartay uu waxba tari waayey daqiiqaddii 73aad ayaa kubbad uu Bernardo Silva dhinaca midig ugu dhiibay Riyad Mahrez waxa uu xiddiga reer Algeria darbad xooggan weydaariyey goolhaye Thiaut Courtois taas oo Manchester City ay u qaadatay inay guusha ku helayso

Goolka ay la hormartay Manchester City ayaa noqday mid aan shaqaynin oo meesha ka baxay daqiiqaddii 90aad ee dhamaadka ciyaarta, markaas oo Rodrygo Goes oo beddel kusoo galay uu gool u dhaliyey Real Madrid, kaas oo dib usoo nooleeyey niyadda ciyaartoyda Los Blancos kubbad uu Karim Benzema kasoo dhigay dhinaca bidix ayuu Rodrygo lugta geliyey, waxaanu ku leexiyey shabaqa Manchester City oo waxyar u jiray, iyadoo goolhaye Ederson uu awoodi waayey in uu xataa kubadda tiigsado.

Lix daqiiqadood oo lagu daray ciyaarta ayaa noqday musiibada Manchester City ku hubsatay, waxaana gool labaad ka dhaliyey Rodrygo oo noqday beddelka mucjisada ee keenay guusha Real Madrid dani Carvajal ayaa daqiiqaddii 91aad waxa uu dhinaca midig kasoo qaaday kubbad uu Rodrygo Goes madax ku qabtay, isla markaana ku hubsaday shabaqa Manchester City, sidaas ayaanay ciyaartu ku noqotay barbarro 5-5 ah marka la isku daro natiijada labada lugood.

Waqti dheeraad ah oo 30 daqiiqadood ah ayaa lagu daray ciyaarta maadaama natiijada isku-darka labadii lugood ay ahayd barbarro, waxaana mar kale samaysay mucjiso Real Madrid oo keentay gool kale Joao Cancelo ayaa qalad ku galay Karim Benzema shan daqiiqadood oo kaliya markii ay socotay waqtiga dheeraadka ah ee ciyaartu, waxaanay rikoodhahaas gool u beddelay Karim Benzema oo dhinaca qaldan u diray goolhaye Ederson.

Real Madrid ayaa difaaca adkaysatay markii ay goolka dhaliyeen, waxaanay sidoo kale kubbadaha ku dilayeen khadka dhexe iyadoo Manchester City na ay noqotay koox niyad-jabsan oo hal-abuurkii iyo ciyaartii fiicnayd ay intuba ka guureen Real Madrid ayay guushu ku raacday 3-1 iyadoo isku-darka natiijada labadii lugood na ay noqonayso in Real Madrid ay kusoo gudubtay 6-5.

Finalka Champions League ayay Real Madrid dhamaadka bishan May waxay magaalada Paris kula ciyaari doontaa Liverpool oo Salaasadii soo reebtay kooxda reer Spain ee Villarreal.


Post a Comment

0 Comments