Qoraalada lagu taageerayo dib u doorashada Farmaajo ee uu dhaqaalaha badan ku bixinayo ayaa kordhaya waxaana lagu soo qoraa wax qabad been abuur ah kuwaa oo la tilmaamay inuu ka lib keenay mudadii uu dalka maamulayey waxaana ka shaqeeya arintaan ciidamada uu soo tababartay iyo dhalinyaro calooshood u shaqeystayaal ah kuwaasoo isugu jiray u badnaa dad dhaqaale doon ah oo qaarkood loo qoray hadallada ay ku soo qorayaan akoonadooda
Waxaa ka mid ahaa kooxda cayayaanka baraha bulshada ee Farmaajo u aflaagaadeysa siyaasiyiinta iyo dadka sumacad ku leh hanaanka dowladnimo iyo kan qaranimo ee dalka waxaa sidoo kale buun buuninta lagu soo qoro akoonada been abuurka ah kaalin lixaad leh ka qaadanaya warbaahinta maxaliga ah qaarkood kuwaa oo laga xusi karo Idaacadda Shabelle taa oo sumcadii warbaahinta ku baddelatay dhaqaale uu Farmaajo dekadda Muqdisho ka siiyoDadka uu farmaajo dhaqaalaha ku bixinayo oo u badan barakacayaasha ayaa la siiyaa qarash kooban waxaana laga khasaariyaa waqtiga ay nolosha maalin laha ku raadsan lahaayeen maadaama aanay waxba ku tareynin 5-ta dollar,ee ay ku helaan ka qeyb galka kulamadaas
Waxaa qaar ka mid ah dhallinyarada daruufta dhaqaale ay ku riixday ka qeyb galka lagu qasbaa in ay sameystaan akoono badan iyadoo loo soo qoro qoraalada ay dhigayaan kuwa isugu jira caadifad qabiil, iyo magac dil ay u geysanayaan dadka ka aragtida duwan Farmaajo dhallinyarada qeybtood oo aan la hadlay ayaa sheegaya in ay culeys amni ka dhaxleen hadalladii uu u soo dhiibay hoggaanka waqtigiisa dhamaaday waxaana ragga Farmaajo u qaabilsan ololaha ay reebteen numberada taleefanada dhallintaas kuwaas oo lagu wargaliyey in aan la waayin waqtigii loo baahdo si mar kale loogu adeegto
Qoraaladaas ayaa wax is baddel ah aan ku sameyn karin fashilka lasoo gudboonaaday Farmaajo ayuu doonayaa inuu mar kale ku marin habaabiyo dadka waana nin iska indha tiraya tacadiyadii uu dalka ka geystay mudadii uu xukunkiisa jiray
0 Comments