Farmaajo oo raba inuu dalka qatar u baxsado asigoo guri ka dhistay marka doorashada looga guuleysto

    

Somaliya iyo Qatar



  Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday farmajo ayaa qorsheynaya inuu u duulo dalka qatar marka doorashada dhamaato oo looga guuleysto wuxuuna ka rabaa inuu meesha ku dhuunto si aan maxkamad loo soo saarin asigoo ka dhistay qasri weyn 

Farmajo wuxuu ku faani jirey inuusan dhicin hantida shacabka laakiin waxaa su'aal ah xagee ayuu ka keenay lacagta uu ku dhistay qasrigaan 5tii marso 2022 ayey aheyd maalintii uu u duulay dalka qatar si uu u soo arko guriga loogu diyaariyey si uu lacagta u shubo 

Kooxda farmajo waxay dalka ka galeen dembiyo fara badan iyagoo hada damacsan iney ku dhuuntaan dalka qatar oo ah dalka maalgeliya argigixisada aduunka iyo madaxweynayaasha dalkooda soo qaribay si maxkamad loo saarin waxaan ka codsanayaa hay'addaha sharciga iney soo saaran warqad aan dalka ugu bixi karin kooxda farmajo 

Ilaa maxkamada sare ay go'aan ka garto waa in laga wareystaa dhalinyaradiii itoobiya ay geeyeen iyo dilalkii si qarsoodiga u geysteen waa koox sida maafiyada aduunka u shaqeysato qofkii ka soo horjeestane ay dilayaan soomaaliya waxay noqotay baxal galeen hadii aan laga wareejin xillaka ay hayan kooxdaan

Xildhibaanada cusub waa in ay dalka ka badbadiyaan maafiayada ku soo duushay dalka ayna doortaan madaxweyne wadani ah oo dalkaan ka saara dhibaatada ay u geysteen farmajo iyo kooxdiisa lana dagalo alshabab oo shacabka baad ka qaadata xildhibaanada iyaga ayaa gacanta ugu jirtaa mustaqbalka somaliya 

Waa in ay iska fiiriyaan ninka ay u doorayaan waayo soomaaliya waxay ka dhumay shan sano oo dalka waxbadan looga qaban karay loogana saari karay dhibaatada uu ku jiro hadane haday u dooran madaxweyne u adeega shisheeye afar sano o qasaartay ayuu noqonayaa dib ayaana u soconeynaa waa in dalka loo dooraa madaxweyne daacad ah kuwa hada joogane maxkamad la soo taaga

Post a Comment

0 Comments