Farmajo ayaa qorsheynayay inuu soo saaro war-murtiyeed uu ku wado inuu masuul ka haa Khayre dhiibistii qalbi dhagax eedane iska fogeeyo

Farmajo iyo Kheyre

  Ilo-wareedyo ku dhow dhow madaxweynaha xilka kasii dagaya Farmaajo ayaa si hoose u sheegay inuu isku diyaarinayo inuu soo saaro war-murtiyeed uu ku doonayo inuu isaga cafiyo dambiga ah inuu Itoobiya u gacan geliyo cabdikariin sheekh muuse qalbi dhagax hoggaamiyaha jabhadda xoreynta ogaadeenya waxaana uu mas’uuliyada dusha ka sarayaa ra’iisul wasaarihii hore xasan cali kheyre farmaajo ayaa go’aansaday inuu si rasmi ah ugu dhawaaqo in khayre uu mas’uul ka ahaa dhiibistii qalbi dhagax 

Qalbi dhagax oo maalin ka hor imaaday soomaaliya oo ahaa imaatin lama filaanka ah ayaa caqabad ku noqday inuu soo saaro warsaxaafadeedkaas wuxuuna ku eedayn lahaa farmaajo saaxiibkiis khayre wuxuu ku andacoodey inuu sabab u ahaa wixii dhacay 2017 markaas oo loo gacan geliyey Itoobiya lagana soo saaray go’aan ah in dhaqdhaqaaqiisa loo arko dhaqdhaqaaq argagixiso farmaajo wuxu qorsheynayaa inuu danbigaas iska nadiifiyo isla markaana dusha looga saaro si doorashada uu ugu soo baxo maalinta beri ah wuxuuna u adeegsanayaa ololihiisa doorashada iyo dacaayad u adeegsado naftiisa isagoo xusay in arrintani ay ku soo beegantay xilli uu sii ballaarinayo khilaafka farmaajo iyo khayre oo xulufo la ah qatar

Dhinaca kale ilo-wareedyo ku sugan madaxtooyada ayaa xaqiijiyey in xaaladda hadda aad u kacsan tahay oo u dhaxaysa farmaajo iyo khayre kuwaas oo ku muransan awoodda iyo qaybsiga dhaqaalaha qatar ee khamiistii soo gaadhay laguna qiyaasay malaayiin dollar oo dooxa ugu soo dirtay dalkeeda xulafada farmaajo khayre iyo fahad yaasiin balse xukunka qatar ee ah in farmaajo goobta laga saaro iskuna dayaan inay ku qasbaan oo ay ku duufsadaan inuu u tanaasulo khayre

Maadaama ay dooxa u arkaan inuu hadda ka nasiib badan yahay farmaajo taasoo ka cadhaysiisay oo si cad u diiday in uu ka tanaasulo oo uu ku adkeysto in uu sii wato tartanka madaxweynanimo wax kasta oo ka soo baxaba taasoo jahawareer ku riday kooxda qatar waxayna arrintu ku timid xitaa qoyska iyo qaraabada farmaajo oo qaarkood ay qaraabo yihiin kuwaas oo dhamaantood soo kala dhexgalay isku dayo ay ku doonayeen in ay ku dejiyaan carada farmaajo ayna ku qanciyaan inuu u tanaasulo kheyre waxaana wali kacsan xaalada labada dhinac

Qalbi dhagax oo shacabka soomaaliyeed xasuusiyay dambiyadii iyo gefafka ay galeen xasan khayre iyo farmaajo wuxuuna daaha ka qaaday wejiga dhabta ah ee khayre uu hadda qarinayo isagoo isku dayaya inuu kursiga madaxtinimo gacanta ku dhigo qalbi dhagax waxa uu dib u soo laabtay afar sano oo barakac xoog ah iyo cadaab uu u geystay xasan khayre ka dib markii loo gacan galiyay itoobiya laguna eedeeyay argagixiso dambigaas oo xilligaas ka caraysiiyay soomaalida gudaha iyo dibadda ku nool 

Post a Comment

0 Comments