Farmajo iyo fahad yaasiin waa in la saara xayiraad dhanka socodka ah si aysan dalka ugu bixin intay ku socoto dacwada maxkamada

 

Farmajo iyo fahad yaasiin

  Shacabka Soomaaliyeed ayaa dalbanaya in Farmaajo iyo Fahad Yaasiin loo sameeyo maxkamad ciidan lagana ilaaliyo in ay dalka ka baxaan inta ay socoto dacwada loo heysto maadaama farmaajo iyo kooxdiisa ay dambiyo badan ka galeen dalka sida dilkii allaha u naxariistee xildhibaan ikraan tahliil xil\ aamina maxamed oo gacanta ugu jirta al-shabaab dhallinyaradii Soomaaliyeed uu tababar ugu diray dalka eritrea

Farmaajo iyo kooxdiisa waa in sharciga la horkeeno wuxuu ku fashilmay hogaaminta dalka wuxuuna dalka u gacan galiyay al-shabaab farmaajo waa in lagula xisaabtamaa danbiyadii uu dalka ka galay oo uu dalka u gacan galiyay argagixisada shabaab oo aan dooneyn in soomaaliya ay sii taagnaato waana dhibaato haysata shacabka Soomaaliyeed

Garsoorku waa in uu ka soo baxaa waajibaadkiisa isla markaana la horkeeno dadkii wax duminayay ee Yaasiin Farey iyo cid kasta oo dalkan dambi ka gashay si dadku u helaan cadaaladii ay shantii sano sugayeen ee lagu dhibaateeyey shaadhka dawladda in madaxweyne kale uusan dambi ka gelin dalka si soomaaliya hormar u gaarto dalkane looga samata bixiyo dhibaatada uu ku jiro 

Burburinta uu Farmaajo ku sameeyay nidaamka Federaalka iyo ku dhaqanka la'aanta sharciga iyo dastuurka Soomaaliya taasoo keentay in ay isku dhacaan maamul goboleedyada dalka waa in maxkamad la soo taago farmaajo iyo xasan khayre oo loo haysto dambiyadii ay galeen shacabka soomaaliyeed oo dalbanayaan in cunaqabatayn caalami ah lagu soo rogo isla markaana aanu wadan martigelin karin haddii ay isku dayaan inay ka baxaan Soomaaliya

Hey'addaha ku shaqada leh cadaalada waa in ay waajibaadkooda gutaan ayna maxkamad ugu wacaan dembiilayaashii dalka burburiyey sida madaxweynaha laga adkaaday ee Farmajo. fahad yaasiin. kulane jiis. yaasiin farey iyo inta dalkaan dembi ka gashay waa in cadaalad la marsiiyaa si shacabka ay u helaan cadaaladii shantii sano ay sugayeen laguna dhibaateenayay shaarka dowlada si aan madaxweyne dambe dalka dembi uusan ugu gelin dalkane uu u ilaaliyo si aan maxkamad loo soo taagin


Post a Comment

0 Comments