Farmaajo wuxu ku fashilmay hogaaminta dalka wuxuuna dalka u gacan geliyey alshabab oo ganacsada soomaaliyeed baad ka qaadata qofkii diidana ay dilayaan dowladane waxba aan ka qabaneyn waayo dowlada iyadaaba alshabaab ka tirsan
Xiisad ayaa weli ka taagan caasimadda Soomaaliya ka hor doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo maanta dhaceysa wuxuna ku dadaalayaa sidii uu gacan ka gaysan lahaa in uu doorashada ku laalo oo isku dayo in uu baarlamaanka ku buuxiyo ciidamo calooshood u shaqeystayaal ah si ay codadka ugu dhacaan uuna xukunka ugu soo laabto farmajo waxwalba oo sharci daro ayuu u sameynayaa sidii uu kursiga ugu sareeyo u heli lahaa
Joogitaanka Farmaajo ee maamulka ayaa dhibaato ku ah Geeska Afrika guud ahaan wuxuna sabab u yahay awooda Al-Shabaab ay ku yeelatay somaliya haddii uu farmajo soo laabto dalka wuxuu u gacan galayaa argigixisada alshabab oo aan rabin in somaliya ay lugaheyda ku istaagto waana dhibaato hor leh oo ay la kulmayan shacabka soomaaliyeed haddii uu soo laabto
Maanta waa maalinta shacabka ay ka bixi lahaayen dhibaatada ay ku jireen shantii sano ee la soo dhaafay waxayna maanta ku xuroobayaan hogaan dalka ku maamulayey shantii sano masuq maasuq iyo kelitalisnimo oo aan dan ka laheyn shacabka masaakiinta ah waana maalintii ay ka adkaan lahaayeen alshabaab iyo xulufadooda
Xildhibaanada sharafta leh waxaan ka codsaneynaa in ay dalka u dooraan hogaamiye daacad ah oo wadaniyad ay ku jirto dalkane ka samata bixin kara dhibaatada uu ku jiro oo ay u geysteen kooxda farmajo shantii sano ay xukunka haayeen oo ay ku jireen dhib iyo rafaad
0 Comments